Barnaamijkan hirgelinta nidaamka E-Government waa markii u
horraysay ee laga hirgelinayo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo muujinaysa
heerka horumarsan ee Somaliland ka marayso dhanka Tiknoolajiyada casriga ah ee
dunidu u guurtay.
Golaha wasiirradu waxay go’aamiyeen in guddi loo saaro hirgelinta nidaamkan E-Government, in dhammaan hay’addaha laamaha dawladdu yeeshaan waaxo u gaar ah ICT-ga (Information Communication Technology), sidoo kalena lagu daro manhajka waxbarashada ee dalka waxana nidaamkan E-Government uu qayb ka ahaa barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye, isaga oo waafaqsan qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (NDPII)…”