HAYAANNEWS.NET
Golaha Wasiirrada Somaliland Oo ka Dooday Heshiis Dhexmaray Soomaaliya iyo Qaramada iyo Diyaaradaha Flay Dubai iyo Al-Arabiya
October 17, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews):- Fadhi aan
caadi ahayn oo golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland uu yeeshay Sabtida
maanta, ayaa lagaga dooday arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin heshiis ay
wada gaadheen Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, Xayiraad Xukuumaddu hore ugu
joojisay duullimaadyada Diyaaradaha Shirkadaha Flay Dubai iyo Al-Arabiya ku
iman jireen Somaliland.
Shirka ah aan caadiga ahayn ee
golaha wasiirrada oo uu guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa
hambalyo loogu diray guud ahaan dadweynaha reer Somaliland xuska Maalinta
Shuhaadadii SNM oo la xuso 17-ka bisha Aktoober sannad kasta. Haddaba,
war-saxaafadeed uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac
oo lagu faahfaahiyey shirka golaha wasiirrada iyo natiijada lagu soo
gebo-gabeeyey maanta, ayaa nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Hayaannews,
waxa uu u dhignaa sidatan:-
“Fadhi aan caadi ahayn oo golaha
wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland uu yeeshay maanta oo Sabti ah oo uu
shir-guddoominayey Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu goluhu
dood iyo falan-qayn ka yeeshay heshiis
ay wada gaadheen Soomaaliya iyo wakiilka UN-ka James Swan 15-kii October
2020, oo ku saabsanaa nidaamka wada shaqaynta (Un sustainable development
cooperation framework UNCF), kaas oo ay ka muuqato inuu meel ka dhac ku yahay
qarannimada Somaliland, faro-gelinna ku yahay arrimaha gudaha Somaliland.
Sidaa daraadeed, Somaliland kama
mid aha maamullada Federaal-ka Soomaaliya, kamana mid noqon doonto, horena Jamhuuriyadda
Somaliland way u caddaysay mawqifkeeda dalnimo, sidaa awgeed golaha wasiirradu
waxay beesha caalamka u cadaynayaan inay kala madax-bannaan yihiin Dalalka
Somaliland iyo Soomaaliya.
Somaliland muddo soddon sanno ah
wax sharci ah, shaqo ah, iyo wax wada lahaansho, lama wadaagin Soomaaliya.
Somaliland marnaba dheg jalaq u siin mayso xeelad siyaasadeed, culays dhaqaale
iyo mid warbaahineed oo lagu xagal-daacinayo jiritaanka Qarannimada Somaliland.
Golaha wasiirradu waxa uu faray wasaaradaha ay khusayso arrimahaasi inay
warbixin qoto-dheer ka keenaan.
Golaha wasiirada Somaliland
iyagoo garowsan baahida dalku u qabo shirkado caalamiya iyo iskaashi dhaqaale,
waxa uu dood ka yeeshay arrinta
diyaaradaha Fly-Dubai iyo Air Arabia oo hore uga hawl geli-jiray Dalka
Jamhuuriyadda Somaliland, balse hay’adda duulista hawada Somaliland shaqada ka
hakisay.
Golaha wasiirradu waxay
maareeyaha duulista hawada, garyaqaanka guud iyo xeer ilaaliyaha guud ka
dhegeysteen warbixinta xogta rasmiga ah ee ku saabsan diyaaradahaasi, waxaana uu goluhu xaqiiqsaday in shaqo-ka-hakinta
diyaaradahaasi ay tahay arrin sharci, maaddaama aannu jirin heshiis rasmi ah oo
hay’adda duulista Somaliland la gashay hay’adda duulista ee dalka laga leeyahay
diyaaradahaasi.
Sidaa awgeed, golaha wasiirradu
waxa uu isku raacay:-
– In hakinta diyaaradahaasi socon
doonto inta laga gaadhayo heshiis u dhexeeya labada hay’adood, iyadoo la
waafajinayo shuruucda iyo xeerarka dalka.
– In la xoojiyo heshiis dhexmara
labada hay’adood ee duullimaadyada.
– In laga hawl-galo dhammaystirka
heshiiska labada dhinac, iyadoo kor loo qaadayo lana kobcinayo dhaqaalaha
dalka.
Ugu danbayn golaha wasiirrada
Somliland waxa uu hambalyo u dirayaa xuska maalinta shuhaadada Somaliland oo ku
beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 17-October-2020.
goluhu waxa uu ku sifeeyey
maalintan, maalinta geesiyaashii naftooda, maalkooda, iyo maskaxdoodaba u soo
huray xornimada iyo madax-bannaanida dalkeena, xiliyo kala duwan laga soo
bilaabo halgalkii gobonnimo doonka Daraawiishta, kacdoonkii culimada,
aqoonyahanka, suugaanlayda, halgankii axsaabta siyaasadda, halgalnkii hubaysnaa
ee SNM iyo halganka naftood-hurayaasha ilaa maanta naftooda halista u geliya
difaaca jiidaha hore ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay Alle uga baryeen intii dhimatay in rabi naxariistii janno ka waraabiyo inta noolna rabi caafimaad, cisi iyo sharaf ku waariyo. Dhammaanteen, shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xukuumadduba waa inay ka qayb-qaataan sugidda iyo qoraalka taariikhda guunka ah iyo marxaladihii isdaba-joogga ahaa ee dalkeenu soo maray, si jiilalka soo socdaa u bartaan sooyaalkeennii nololeed iyo raad-raaca taariikhdeena. ALLAAH MAHAD LEH.” Sidaa ayaa lagu yidhi warkaas qoraalka ah ee naga soo gaadhay madaxtooyada Somaliland.
Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland
Email:Hayaannewssoma@gmail.com
COMMENTS
|