Guddida Qaranka Ee ka Hortagga COVID-19 Oo Hore U Soo Dhigay Fasax Sanadeedka Dugsiyada

Wasaaradda Waxbarashada oo si rasmi ah u shaacisay in la fasaxay Dhammaan Dugsiyada Gobollada Dalka

Hargeysa (Hayaannews) Guddida heer Qaran ee Ka Hortagga iyo Maaraynta xanuunka COVID-19, ayaa maanta ku dhawaaqay go’aan hore loogu soo dhigiy fasaxii sannad dugsiyeedka iskuullada kala duwan ee dalka, iyaga oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in la fasaxay dhamman ba ardayda wax ka barata dugsiyada ka furan gobollada dalka.

Go’aanka ay soo saareen Guddida heer Qaranka ayaa ah mid la xidhiidha badbaada bulshada reer Somaliland ee khatarta xanuunka Covid 19, iyada oo tallaabada guddidana lagu sabababeeyay halista xanuunka COVID-19 ku hayo ummadda oo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaysa.

Go’aanka Guddida heer Qaran ee ka hortagga iyo maaraynta xanuunka COVID-19, oo ka koobnaa afar qodob, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan, isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:-“Go’aanka Guddida Qaranka ee COVID-19 oo hore u soo dhigiy fasaxii sanad dugsiyeedka”

Khatarta uu xanuunka COVID-19 ku hayo ummadda Jamhuuriyadda Somaliland waa mid maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaysa. Guud ahaanba gobollada dalka, min bari ilaa galbeed, xawaaraha uu xanuunka COVID-19 ku fidayo, tirada dadka uu soo ridayo iyo dadka inagaga dhimanayaba si weyn ayay u kordheen.

Haddaba, xaalada xanuunka COVID-19 ee uu dalkeenu haatan marayo, hadii aynaan si degdeg ah wax uga qaban, waxa iman karta marxalad ay taladu faraheena ka baxdo taasoo halis gelin karta qof kasta oo bulshadeena ka mid ah. Haddii aanay bulshada Somaliland si dhab ah ugu hogaansamin awaamiirta Guddida iyo tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka, waxa iman karta marxalad ay lagama maarmaan noqoto in ay Xukuumadu qaado tallaabo kasta oo lagu bedbaadinayo nolosha bulshada Jam. Somaliland.

Haddaba, Guddida heer Qaran ee Ka Hortagga iyo Maaraynta xanuunka COVID-19:

1)  Iyagoo tixraacaya waraaqdii uu Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Jam. Somaliland u soo gudbiyey Guddida COVID-19 ee heer Qaran, taasoo ujeedeedu ahayd: “Wax-kabedelka Kal-tirsiga sanad-dugsiyeedka 2020/2021 iyo in hore loo soo dhigo fasaxii sanad dugsiyeedka”;

2)  Iyagoo si mug leh u gorfeeyey, wada tashi buuxana ka yeeshay nuxurka iyo ujeedada qoraalka talo soo jeedinta ah ee ka yimid Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska;

3)  Iyagoo qirsan muhimadda iyo mudnaanta ay Waxbarshadu u leedahay guud ahaanba horumarka Qaranka, gaar ahaana hiigsiga aqooneed ee da’yarta Jam. Somaliland;

4)  Iyagoo ogsoon isla markaana ku qancay dhammaanba duruufaha saldhiga u ah qoraalka talo-soo-jeedinta ah ee Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska, sida: (Halista Xanuunka Covid-19, Waxyeelada Abaaraha iyo Culayska Arrimaha Doorashooyinka);

5)  Iyagoo si dhab ah u dareensan, isla markaana ka garaabaya culayska dhaqaale iyo ka nololeed ee hakadka ku yimid hab-sami-u-socodkii Waxbarashadu uu ku keeni karo qaybo badan oo ka mid ah bulshada Jam. Somaliland;

Dhinaca kale, Guddida heer Qaran ee COVID-19:

6)  Iyagoo si qoto dheer ugu kuur galay halista ka dhalatay laba-kaclaynta wajiga cusub ee xanuunka COVID-19 iyo waxyeeladiisa weyn ee dhimasho iyo bukaanba leh ee uu xanuunku ku keenay bulshada Jam. Somaliland, welina ay halistiisu jirto;

7)  Iyagoo mudnaanta kowaad siinaya bedbaadada, bed-qabka iyo fayo-dhawrka caafimaadka dadweynaha iyo ka hortagga faafitaanka xanuunka COVID-19 ee bulshada dhexdeeda;

8)  Iyagoo taxadir weyn iyo ahmiyad gaar ah siiyey si kasta oo lagu yarayn karo khatarta uu xanuunka COVID-19 ku keeni karo bulshada wax ka barata, kuwa ka hawlgala iyo kuwo ku sugan goobaha Waxbarashada dalka heer kasta oo ay yihiinba;

9)  Iyagoo ogsoon in ay weli jirto khatarta uu xanuunka COVID-19 bulshada dhexdeeda ku faafi karo, ummadana si weyn ugu adkaynaya in uu qof walba muujiyo taxadir iyo masuuliyad dheeraad ah;

10) Iyagoo si dhab ah u dareensan saamaynta ay nolosha bulshada iyo dhaqaalaha ku yeelan karto haddii ay Xukuumadu mar kale dalka ku soo rogto xayiraado dhamaystiran (xag dhaqaale iyo xag dhaq-dhaqaaqba) oo lagu xakamaynayo fiditaanka wejiga cusub ee xanuunka COVID-19;

11) Guddida Qaranka ee COVID-19, iyagoo ka duulaya dhammaanba qodobada kor ku xusan iyo weliba duruufaha gaarka ah ee sababay in fasaxii dugsiyada hore loo soo dhigo, Wax-ka-bedelna lagu sameeyo Kal-tirsiga sanad-dugsiyeedka 2020/2021;

waxay soo saareen go’aamo lagaga hortagayo faafitaanka xanuunka COVID-19, isla Sidaa darteed, Guddida heer Qaran ee Ka Hortagga iyo Maaraynta xanuunka COVID-19

markaana lagu sugayo bed-qabka iyo fayo-dhawrka bulshada da’yarta ah ee wax ka barata, kuwa ka hawl gala iyo kuwa ku sugan dhammaan Dugsiyada dalka Jam. Somaliland.

NUXURKA GO’AAMADA GUDDIDA QARANKA EE COVID-19:

Guddida heer Qaran ee Ka Hortagga iyo Maaraynta xanuunka COVID-19 waxay soo saareen go’aamada soo socda:

1)    Fasaxii sanad dugsiyeedka 2020/2021 ee dhammaan dugsiyada dalka, hore ayaa loo soo dhigay wuxuuna ka bilaabmayaa SALAASA, 13/4/2021, waxaana dugsiyada lagu soo noqonayaa SABTIDA, 03/7/2021, haddii Allah idmo.

2)    Imtixaankii kalka 2–aad (second term) ee sanad dugsiyeedka 2020/2021 ee dhammaan fasalada dugsiyada hoose, dhexe iyo sare (fasalka 1-aa ilaa 12-aad), waxay dugsiyada dalku qaadayaan inta u dhaxaysa Sabtida, 03/4/2021 ilaa Isniinta, 12/4/2021.

3)    Xafiiska Imtixaanaadku wuxuu dib ka soo sheegi doonaa xilliga la qaadayo iyo jadwalka imtixaankii Shahaadiga ahaa ee fasalada 8-aad iyo 12-aad, haddii Allah idmo.

4)    Dhammaan maamulka, macallimiinta, shaqaalaha, ardayda iyo waalidiinta dugsiyada dalka ee fasaxii sanad dugsiyeedka la soo hor mariyey, waxa si adag loo farayaa inay uga faa’iidaystaan hirgelinta iyo u hoggaansanka awaamiirta ay soo saareen Guddida Qaranka ee COVID-19 iyo tilmaamaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee lagaga hortagayo faafitaanka xanuunka COVID-19, sida: Xidhashada Af-saabka, Faraxalka iyo Nadaafada iyo Kala fogaanshaha goobaha ay bulshadu ku kulanto.

Cid kasta oo u hoggaansami wayda awaamiirta lagu xakamaynayo faafitaanka xanuunka Coronavirus ee ay soo saareen Guddida Qaranka ee COVID-19, waxa loo aqoonsayanaa in uu yahay qof dhiirrigelinaya faafitaanka xanuunka oo cadaw ku ah caafimaadka bulshada.

Dhinaca kale masuuliyiinta kala duwan ee wasaradda waxabarashada Somaliland, oo uu ugu horreeyo wasiirka wasaarddaasi mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa dhankooda warbaahinta la wadaagay go’aanka guddida heer qaran ee lagu fasaxay iskuulada.

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Somaliland, waxaa uu ardayda ugu baaqay in ay qaataan tallooyinka caafimaad ee guddida Covid-19 iyo wasaaradda caafimaadka.

Dhankiisa guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka Somaliland, mudane Daa’uud Axmed Faarax, ayaa bulshada iyo ardaydaba ILLAAHEY uga baryay in uu xannuunka ka badbaadiyo, raxmaadkiisana u shubo.

Wasiirka wasaarada waxbarashada Axmed Diiriye Toorno isaga oo ugu horrayn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Fasaxii sannad dugsiyeedka 2020 iyo 2021 hore ayaa loo soo dhigay waxa aanu bilaabin doona malinta salaasada ee 13 /4/2021 waxa aanu dhammaandoona oo dugsiyada lagu soo laban doona bisha 3/7/2021.

Imtixanaadkii naqadiga ahaa ee sannad dugsiyeedka waxa la qaadi doona inta u dhaxaysa maalinta sabtid ah ee 3/4/2021 ilaa maalinta Isniinta ee bishu tahay 12/4/2021″

Wasiir Toorno isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa oo hadakiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray “Imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalada afraad ee dugsiyada hoose sarre iyo kuwa sideedaad ee hoose dexe in jadwalkoodii waxaa laga sugaya guddiga imtixaanaadka Qaranka labada cisho ee soo socoda ee bishu tahay 31/3/2021 iyo 1/4/2021 .

Waxa guddida doorashooyinka Qaranku ay naga codsadeen in iskuulaadka la fasaxo si loogu qaybiyo kaadhadhkii codbixinta doorashooyinka”

Dhanka kale agaasimah guud wasaradda waxbarshada Somaliland mudane Axmed Abokor Maxamed, oo isna hadal kooban madashaasi ka jeediyay ayaa yidhi.”Waxaa aanu idiin sheegayna in Degaanada Xeebah ahi ay ka duwanaan doonan kuwa kale, duruuftooda la eegi doono imika fasax wey lagali doonan, laakiin marka ay soo noqanayaan mid kasta waxa uu ka gali doona deeganka uu u Xagaa baxay halkaasi ayuu ka sii wadan doona waxbarshadiisa”

#Mustafe-Janaale

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com