Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Ee Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Xafiis Ay Yeelan Doonaan Ururka Sariflayaasha Ee Wadajir.

Hargeysa (Hayaannews)-Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi) ayaa xadhiga ka jiray xafiis cusub oo ay yeelan doonaan ururka sariflayaasha wadajir.

Munaasibadda xadhiga lagaga jarayay xafiiskaasi waxa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta baanka, mas’uuliyiinta shirkadaha isgaadhsiinta iyo qaar ka mid ah sariflayaasha Somaliland, ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha ururka sariflayaasha Somaliland Barkhad Axmed Coofiye oo sheegay in ay ku shaqeeyaan shuruucda uu baanka dhexe dejiyay isla markaana ay si weyn isugu xidhan yihiin baanka dhexe iyo shirkadaha isgaadhsiinta, isaga oo intaas raaciyay in xafiiskan iyo ururka wadajirba loo sameeyay sidii loo mideyn lahaa sicirka shillinka ee sariflayaasha Somaliland oo dhan.

Madax ka socota shirkadaha Somtel, Cabdilaahi Xasan Ibraahin, iyo Telesom, Cabdiraxmaan Aadan Shire  ayaa sheegay in xisaabaadka, sarifka iyo tiknoolijadda Somaliland ay meel wanaagsan marayaan oo ay u han weyn yihiin.

Agaasimaha Baanka dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo ayaa tilmaamay in Somaliland ay horumar weyn ka samaysay dhinaca sarrifka lacagaha oo dalal badan oo adduunyada ah ay kaga horreyso, wuxuuna xusay xorriyadda sarifka ee dalka taala aan meel kale oo dunida ah laga soo heleyn, isaga oo arrintaas ku tilmaamay in ay tahay wax ilaahay loogu mahadnaqo.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi) oo isna munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in baanka dhexe uu jaro siyaasadda sarrifka ee Somaliland iyaga oo eegaya hannaanka suuqa.

Wuxuuna guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland guddoonsiiyay 45 xubnood oo ka mid ah sarriflayaasha Somaliland liisamada sarrifka si ay ugu shaqeystaan, isaga oo ku booriyay dhammaan sariflayaasha Somaliland in sicirka la gooyo ay sidiisa u dhaqan geliyaan oo aanay waxba ka badelin.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland