Guddoomiyaha Ruugta Ganacsiga Oo Faah-faahiyay Qodobo Ay Ku Heshiiyeen Madaxweynaha Iyo Ganacsatada Dalku
March 20, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews)-Gudoomiyaha
rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim, ayaa ka hadlay kulan ay
wada qaateen Madaxweynaha iyo qaar ka mdi ah ganacstada oo lagu xaliyay
cabashadii ay ganacsatadu ka muujiyeen isbedelka ay DP world ku samaysay
saarrifka lacagaha.
Jamaal Caydiid ayaa sheegay
in ganacsatadu aqbashay isbedelkii sarrifka, waxaanu isagoo u waramayay weriye
Badri Koosaar oo ka tirsan Eryal Tv uu yidhi “Hawshaasi waxay keentay
inay istaagto shaqadii ka socotay dekeda Berbera oo aanay ganacsatadu waxba
kala soo bixin, arintaas markii madaxweynah JSL oo socdaal shaqo ugu maqnaa
Imaaraadka uu maqlay codsigayagii ahaa inaan la kulano runtii markiiba waa uu
naga aqbalay,madaxweynaha JSL Md.Muuse Biixi Cabdi taas aad ayaanu uga
mahadnaqaynaa shir ayuu noo qabtay.”
Gudoomiyaha rugta ganacsiga
Somaliland Jamaal Caydiid oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Runtii wakhti
badan ayaanu isku qaadanay si wanaagsan oo ah sidii dhaqanka inoo ahayd oo
saraaxiya oo dhan u wada jeedno ayaanu u wada hadalnay, dano badan oo dalka
khuseeyana waanu ka wada hadalnay dhamaantoodna waanu isku afgaranay iyada oo
shaqadiina ay saaka ( Shalay) bilaabantay.”
Gudoomiye Jamaal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaanu ka wada hadalnay qodobada, In DP World oo ka cabatay sarifka hoos dhaca ah ee ku yimaada marka ay naga qaadaan lacagta Somaliland ee iyagu dib ugu badalayaan doolarka, kaas oo aanu ka heshiinay, laba waji ayeyna ahayd kaas oo wajiga hore bilaabmayey 12 March oo lagu darayey sarifka lacag dhan 1500 iyo wajiga labaad oo ah 12 June in lagu daro 1500 oo kale, Madaxweynuhu cabashadayadii wuu tixgeliyey waxaanu ka saaray 1500 ee June la kordhin doono, kordhiskiina wuxuu noo soo jeediyey anaguna waanu aqbalnay.”
Jamaal Caydiid Ibraahim
Sidoo kale gudoomiyaha rugta
ganacsiga Somaliland waxa uu sheegay in heshiis laga gaadhay cabasho ay ka
qabeen liisamada ganacsiga ee ay ganacsatada dalka la siiyo waxaanu yidhi “Waxa
soo raaca cabashooyin aanu ka qabnay liisamada ganacsatada la siin jiray oo
dhibaato ka taagnayd gobol walbana ogyahay, dhibaatadaasi waxay ahayd liisamada
ganacsatada la siin jiray oo sadedx nooc ahaa kuwaas oo kala xadayntoodii
muran keenay, saddexdaas liisana hay’adihii dawlada ee ay kala khusaysay ee
ganacsiga, maaliyada iyo dawlada hoose dukaamadii iyo bakhaaradii isku
waydaarteen taas oo keentay in meherado badani xidhmaan qaarna muran keenaan
halka kuwo kalena hadidaad la kulmeen, madaxweynuhuna arintaas go’aan ayuu ka
gaadhay wada hadal noo socdayna wuu sii xoojiyey.”