Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka HORSEED Oo Gurigiisa Ku Booqday Suldaan Barre Xaaji Xuseen.

Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka HORSEED Mujaahid Cabdilaahi-DARAWAL), ayaa gurigiisa ku booqday Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale

Hargeysa (Hayaannews): Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka HORSEED Mujaahid Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Cabdilaahi-DARAWAL), ayaa maanta gurigiisa ku booqday Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale oo dhowaan xaalad caafimaad dalka dibediisa uga soo laabtay, kadib markii muddo lagu dabiibayay dalka Turkey.

Booqashadan Guddoomiye Cabdilaahi-DARAWAL ku booqday Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale ayaa waxa ku wahelinayey qaar ka mida hoggaanka Urur-Siyaasadeedka HORSEED iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka HORSEED Mujaahid Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Cabdilaahi-DARAWAL), ayaa Suldaan Barre Xaaji Xuseen Eebbe uga baryey in uu caafimaadka u siyaadiyo.

Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka HORSEED Mujaahid Cabdilaahi-DARAWAL), ayaa gurigiisa ku booqday Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale

Dhinaca kale,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa toddobaadkii hore gurigiisa ku booqday Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale oo dhowaan xaalad caafimaad dalka dibediisa uga soo noqday,

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: hayaannewsonline@gmail.com