Guddoomiyaha Ururka SANCAANI Foundation Oo Ugu Baaqay Shacabka Somaliland Inay Soo Ciidsiiyaan Dadka Dhimirka Ka Xanuusanaya Ee Dayacan.

Hargeysa(Hayaannews):Guddoomiyaha Jimciyada SANCAANI Foundation Maxamed Jaamac (JAGAC), ayaa waxa uu cunto bisil iyo Afur u qeybiyo dadka dhimirka xanaanuunsanaya ee ku dayacan suuqa iyo xaafadaha Magaalada Hargeysa, kuwaas oo xiligan Ramadaanta ay la soo gudboonaato xaalado adag oo duruufeed oo is-barkan  oo ah gaajo iyo dar-xumo dayac.

Mawaadinkan Jagac  oo bilkasta oo Ramadaan dadka dhimirka ka xanuunsanaya ee gaajeysan u qeybiya Raashin bisin, iyo Biyo, maadama ay xidhan yihiin Hudheeladii ay cuntada hadhaaga ah ka cuni jireen, ayaa waxa uu bulsho-weynta reer Somaliland ugu baaqay inay dadkan soo ciidsiiyaan si ay dadka kale ula farxaan.

Dadka dhimirka Xanuunsanaya ayaa waxa haysta dhibaatooyinka baddan oo isugu darsamay, xiligan gu’aga ah waxa uu sii dheer roobabka iyo dhaxanta ayaa gidaarada ku hela oo ay la dardhadaaan.

HALKAN KA DAAWO.

Isha Ku hay oo kala soco Wararkii ugu danbeeyey Shabakada Wararka WWW.Hayaannews.net meelkasta iyo goobkasta oo aad ku sugan tahay.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com