Guddoomiye Ururka SOLJA oo Shaaciyey inuu isu Sharraxayo Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland


Hargeysa(Hayaannews):- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa sheegay marka muddo-xileedkiisa SOLJA uu joogaa dhammaado 31-ka bisha 12-aad ee sannadkan 2020-ka, uu isu sharrixi doono doorashada golaha wakiillada Somaliland oo uu Xildhibaannimo ugu tartami doono.

Guddoomiye Xuuto oo shalay ka qaybgalay shir lagu eegayey, isla markaana lagu falanqaynayey wax ka beddel iyo kaabis lagu samaynayo Dastuurka Ururka SOLJA, kaas oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, Masuuliyiin, Sharci-yaqaanno iyo Weriyeyaal kala duwanina ka qaybgaleen.

Haddaba, Guddoomiyaha SOLJA Mr. Xuuto oo arrintaas iyo qodobbo kale ka hadlaya, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wanaagsan:-