Guul Laga Gaadhay Tallaalka Sadhada COVID-19 Ee Dunida Saameeyey Oo Daaha Laga Qaaday
November 9, 2020 - Written by admin
New York(Aftahannews):- Shirkadda dawooyinka ee
Pfizer, ayaa sheegtay in tallaal lagaga hortago cudurka COVID-19 oo ay ka
shaqeyneysay uu wax ku ool yahay 90%, sida lagu ogaaday natiijada tijaabo
horudhac ah oo la sameeyey.
Khubarada caafimaadka, ayaa soo dhoweeyey guusha
tallaalkan ee laga ogaaday kumanaan qof oo lagu tijaabiyey, waxaanay
tallaabadan ku macneeyeen mid hakin karta faafitaanka cudurkan sida fudud ugu
faafay dunida. Hase-yeeshee, tallaalka ayaa u baahan inay mas’uuliyiinta iyo
hay’adaha masuuliyaddaas lihi ansixiyaan.
Pfizer iyo shirkadda ay wadaagga yihiin ee Jarmalka
ee BioNTech, ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan heli wax wallaacyo amni ah
oo la xiriira tallaalkan, waxaana la filayaa inay ansixin ka raadiyaan dowladda
Mareykanka.
Haddii loo oggolaado, labadan Shirkadood, ayaa
qiyaasaya inay sannadkan dhammaadka ah diyaarin karaan 50 milyan oo dhibcood oo
tallaaka ah, oo la siin karo 25 milyan oo qof, ka dibna ay 2021 soo saaraan 1.3
bilyan oo dhibcood.
“Maanta waa maalin u weyn Sayniska iyo Bani’aadannimada,” sidaas waxa yidhi Albert Bourla oo ah guddoomiyaha iyo madaxa fulinta ee Shirkadda Pfizer.
Madaxa fulinta Shirkadda BioNTech Ugur Sahin, ayaa isna
Wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in tallaaka marka qofka la siiyo uu
shaqeyn karo illaa hal sano, inkasta oo aan taas la hubin weli, maaddaama oo
wax waliba hadda bilaw noqonayaan.