Hadallada Wasiirrada Madaxweyne Biixi Miyay Sii Kala Qaybinayaan Bulshada Somaliland?

Hargeysa(Hayaannews) Todobaadadii u dambeeyay waxa kor u kacay xiisadda siyaasadda Somalilang gaar ahaana waxaa warbaahinta ku yooyootamay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo masuuliyiinta xukuumadda madaxweyne Biixi, waxaana wasiirrada xukuumadda qaarkood oo u holaday jawaabta mucaaradka ka soo yeedhay hadallo shakhsi weerar ah iyo kuwo bulshadu ka biyo diiday. Waxa ay arrintani timid iyada oo hore looga hayay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin in aanu dalku mucaarad lahayn.

Wasiirka Wasaaradda War-faafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo 30 bishii April jawaab degdeg ah ka bixinayay hadallo guddoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro ku dhalliilay xukuumadda ayaa ku tiraabay hadallo bulshadu si taban uga dareen celisay oo noqday lama filaan.

Maxamed Muuse Diiriye ayaa hadalkiisa waxa ka mid ahaa “Waxaan aqoonsanahay inay Cabdiraxmaan ay u dheeryihiin samaysigii uu Xisbiga WADDANI samaystay gelidii doorashada uu galay in aanay ka niyad ahayne Somaliland iyo burburkeeda uu u samaystay marka horeba,” waxa uu intaasi raaciyay in doorashooyinkii hore raggii geli jiray ahaayeen gob aqbasha natiijada laakiin, Cirro ilaa hadda aqbali la yaha “Raggii hore ee gobta ahaa ee doorashada geli jiray halkaas ayey ku hadhi jireen,“ ayuu yidhi wasiirku.

Geesta kale Wasiirka Gaadiidka iyo jidadka Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo kowdii bishan Ramadaan War-baahinta la hadlay ayaa isna sheegay isagoo isir ahaan u xidhiidhinaya in saraakiisha Xisbiga WADDANI qaarkood ay xidhiidh la leeyihiin Xukumadda Xamar “Xisbiga WADDANI waxa jira Xubno badan oo xidhiidh toos ah la leh Dowlada Xamar oo uu kow ka yahay Xoghayahooda guud Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI waxaad ogtihiin inuu Hargeysa dhex-deeda ka yidhaah-do dhib kuma aha ayuu yidhi inuu farmaajo yimaado , isaga iyo raysal wasaare ku-xigeenku xidhiidh toos ah ayey leeyihiin isaga iyo nin kale oo Cabdilaahi Odowaa la yidhaah oo iminka Kuwait jooga oo Jamacada ka tegay xidhiidh toos ah ayey leeyihiin,“ ayuu yidhi wasiir Cabdillaahi Abokor.

Madaxweyne Biixi oo hore u sheegay in la dhayayo  xanaftii ka dhalatay doorashada dalka ka qabsoontay sanadkii 2017, waxaanu Madaxweynuhu bisha Ramadaan kow-deedii shacbiga ugu baaqay in ay mid-nimada iyo wada jirkooda ilaashadaan, haseyeeshee wasiirradiisa todobaadkii u dambeeyay saxaafadda la hadlay ayaa u muuqda kuwo taageerayaasha xisbiga WADDANI maskaxdooda ku celiyay xilligii ololaha doorashada oo kuraasta lagu kala riixanayay hadallo qadhaadh oo ilaa hadda laga soo kaban la yahay sidii bulshada Somaliland ugu kala qaybsantay hadallada siyaasiyiinta siiba kuwa Kulmiye oo WADDANI ku eedaynayay in uu Xamar xidhiidh la leeyahay.