HAYAANNEWS.NET
Hoggaamiyayaasha Siyaasadeed Ee Somaliland Oo Hambalyo Iyo Bogaadin U Diray Raysalwasaaraha Dalka Itoobiya
October 12, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews)-Siyaasiyiinta
Somaliland ayaa bogaadiyay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo ku
guulaystay biladda abaalmarinta nabadda ee Nopel Peace Prize.
Madaxweynaha JSL Muuse Biixi
Cabdi ayaa qoraal kooban oo lagu qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku
yidhi, “anigoo ku hadlaya magaca shacabka iyo dawladda Jamhuuriyadda
Somaliland, waxaan Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ku bogaadinayaa bilada
nabadda ee uu ku guulaystay.”
Wax sawir ah lama raacin
qoraalka lagu baahiyay twitterka Madaxweyne Biixi.
Guddoomiyaha xisbiga
mucaaradka ah ee Waddani Md. Cabdiraxmaan cirro, ayaa isna qoraal kooban oo
lagu qoray twitter kiisa wuxuu ku bogaadiyay Abiye Axmed bilada nabadda ee uu
hantiyay, “Abiye Axmed caalamka ayaa ku abaalmariyay hoggaaminta uu dadkiisa
ugu abuuray rajada iyo nabadda uu ka aslaaxiyay jaarkiisa.” Ayuu yidhi Cirro oo
intaas sii raaciyay in nabadu guulaysatay, cadaadiskuna guuldaraystay.
Qoraalka farriinta
Cabdiraxmaan-cirro waxa la raaciyay laba sawir oo ah guddoomiye Cirro iyo
Raysalwasaare Abiye Axmed oo la is garab dhigay.
Madaxweyne-xigeenka
Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa isna waxa twitterkiisa la soo
geliyay qoraalkan, “Anigoo ku hadlaya magaca Somaliland, waxaan jecelahay inaan
hambalyeeyo walaalkay Raysalwasaaraha Itoobiya oo ku guulaystay biladda nabadda
ee sannadka 2019.” Ayuu yidhi Saylici oo intaas raaciyay in Abiye uu dunida u
horseeday heshiiska taariikhiga ah ee uu la galay Ereteriya oo lagu soo afjaray
colaad 20 jirsatay, “Waad u qalantaa.” Ayuu yidhi.
Qoraalka Cabdiraxmaan Saylici waxa la socda sawir ah Abiye iyo Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki.
COMMENTS
|