Ilwad Elman Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Ugu Sareysa Ee Jarmalku siiyo Shaqsiyaadka Afrika
October 20, 2020 - Written by admin
Germany(Hayaannews):- Ilwad Elman
oo ah gabadh Soomaaliyeed oo u ololeysa nabadda ayaa sanadkaan 2020 ku
guulaysatay Abaalmarin caalami ah oo la siiyo shaqsiyaadka ugu firfircoon
qaaradda Afrika oo ay bixiso hay’adda Jarmal-Afrika Foundation.
Hay’adda ayaa xaqiijisay in Ilwad
Elman oo madax ka ah hay’adda Elman oo u ololaysa ilaalinta xuquuqda Aadanaha,
lagu sharfi doono dhammaadka bishan magaalada Berlin, sida lagasoo xigtay
wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalka.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan
aqoonsigan ka helay Jarmalka, ayay Ilwad u sheegtay Deutsche Welle oo ah
warbaahin caalami ah oo kutaal Jarmalka kadib markay maqashay abaalmarinteeda.
Abaalmarinta Jarmalka waxaa la
siiyay tan iyo 1993 shakhsiyaad ku dayasho mudan oo ka socda qaaradda Afrika.
Ku guuleystayaashii hore waxay u ololeeyeen dimuqraadiyadda, nabadda, xuquuqda
aadanaha, farshaxanka iyo dhaqanka, iyo arrimaha bulshada.
Abaalmarinta Afrika waa abaalmarinta ugu sareysa ee nooceeda ah ee Jarmalka bixiyo. Ujeedadeeda laga leeyahay waxay tahay in lagu muujiyo muuqaalka wanaagsan ee Afrika.
Ku guuleystayaashii ugu dambeeyay
waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Botswana Sir Ketumile Masire, Waris
Diiriye oo ah gabadh Soomaali ah oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha iyo la
dagaalanka Gudniinka Fircooniga iyo hogaamiyaha midowga Tunisia Houcine Abassi.
Jarmalka Afrika Foundation waxaa
maalgeliya Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka.