Itoobiya iyo Shiinaha Oo Heshiisyo Horumarineed Kala Saxeexday

China(Hayaannews)- Ra’iisul-wasaareyaasha Itoobiya iyo Shiinaha ayaa kala saxeexdayheshiisyo kor loogu sii qaadayo iskaashiga u dhexeeya dawladaha Itoobiya iyo Shiinaha.

Ra’iisul-wasaaraha Shiinaha Mr. Li Keqiang ayaa sheegay in dalkiisu sii wadayo dedaallada Itoobiya ay ku horumarinayso dhaqaalaha waddankeeda.

War qoraal ah oo ka soo Baxay Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in labada Ra’iisul-wasaare ee Shiinaha iyo Itoobiya ay qalinka ku duugeen shan heshiis oo ay ku jiraan maalgelin dhaqaale, Tababaro sare oo xirfadeed iyo Waddooyin cusub oo laga binaynayo Itoobiya.

Socdaalka Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku tagay Shiinahaayaa qayb ka ah qorshahiisa uu ku soo jiidanayo Maalgashiga Shiinaha.