Itoobiya oo Farmaajo u Xaqiijisay in la sii Wadayo Mashaariicda Horumarinta Dekedda Berbera

Waxa  la Qiray in Xidhiidhka Somaliland uu Taageerayo Ammaanka Gobolka Geeska oo dhan

ADDIS-ABABA(Hayaannews)- Dawladda  Itoobiya  ayaa u bayaamisay  Madaxweynaha Dawladda  taabka gaaban ee  Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo in la sii wadayo mashaariicda wadajirka ah ee lagu horumarinayo dekedda Somaliland oo ay hore uu uga soo horjeedsatay dawladiisu  heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay wada galeen Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP World ee ku wajahnaa casriyeynta marsadda Berbera.

Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed  oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayey ka wada hadleen iskaashiga labadooda dal u dhexeeya iyo arrimaha Gobolka waxaana loo xaqiijiyey Soomaaliya in xidhiidhada Somaliland uu saacidayo  Nabadgelyada Mandaqada Gobolka oo dhan.

Qoraal maanta  lagu baahiyey barta Facebook-ga ee Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sharxay qodobbadii ay ka wada-hadleen Farmaajo.

“Wada-hadalkaas waxa xoogga lagu saaray Afar Qoddob oo kala ahaa Ammaanka Mandaqada, Heshiisyadii hore loo kala saxeexday, sidii loo xoojin lahaa Cilaaqaadka Kenya-Somalia,  sii wadista mashaariicda wadajirka ah ee Horumarinta Dekedda. Waxa  kaloo la iftiimiyey in xidhiidhada Xukuumadda Somaliland ay  xoojinayso Nabadgelyada Mandaqadda,”ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya.

Dawladda Itoobiya waxay saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban (19%) laga siiyey casriyeynta dekedda Berbera, Waxana mashruucda ballaadhinta marsadda  looga gol-leeyahay inay noqoto marin-ganacsiyadeedka ugu muhiimsan ee Gobolka Geeska Afrika, Shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta ayaa ku maalgelinaysa dhaqaale  dhan  $442 Milyan oo Doolar.

Sidoo kale, waxaa  Toddobaadkii hore la dhagax dhigay dhismaha jidka isku-xidhaya Somaliland iyo Itoobiya oo dhererkeedu yahay 250KM, kaasi oo  Dawladda Imaaraadka carabtu ku bixinayso  Boqol iyo Kow Toban Milyan oo dollar. Waxaanu qayb ka yahay mashruuca Berbera Corridor oo ay lagu hirgelinayo dhismaha Toddoba Buundo (Brigdes), dhismaha iyo casriyeynta Madaar loogu talogalay diyaaradaha shacabka. Mashaariicdaas waxa lagu wadaa inay bilaabmaan 15ka Bishan March. Waxana  lagu tilmaamay inay sii adkeyn doonaan iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya oo uu ka dhexeeyo cilaaqaad saaxiibtinimo oo soo jireen ahi.

Wada-hadalka ay Addis-ababa ku yeesheen Abiy Ahmed iyo Farmaajo ayey suurtogal tahay in si aan gabasho laheyn loogu qanciyey Madaxweynaha Soomaaliya  in aan laga noqonaynin maalgashiga dekedda Berbera oo Xukuumadiisa iyo Baarlamaanka Muqdisho ay muddo dheer ka soo horjeedeen.

Solnanews.com

Cumar Maxamed Faarax