Joe Biden Oo Ku Guuleystay Madaxtinimada Mareykanka
November 8, 2020 - Written by admin
USA(Hayaannews):
Musharraxii xisbiga Dimuquraadiga, Madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden, ayaa
loo saadaaliyay inuu ku guuleysanayo doorashada Madaxtinimada Mareykanka ee Salaasadii
ay dadweynuhu u dareereen.
Biden
ayaa noqonaya madaxweynihii 46-aad ee Mareykanka, ka dib markii uu ku
guuleystay gobolka uu ku dhashay ee Pennsylvania, halkaas oo uu helay 20 cod
ergo oo uu u baahnaa si uu u gaaro 270 ka cod ergo ee uu u baahan yahay qofka
madaxweyne ka noqonaya dalkan Mareykanka, xitaa haddii lagaga badiyo codadka
guud ee dadweynaha.
Ka
hor inta uusan noqon murashaxa Dimuquraadiga, Mr. Biden waxa u uku-xigeen u soo
noqday Madaxweynihii hore Barack Obama oo uu sideed sano xilkaasi hayay. Sidoo
kale waxa uu soo noqday Senatarkii ugu mudada dheeraa ee ka soo gala gobolka
Delaware oo uu ku fadhiyay 36 sanadood.
Waxa
uu ku dhashay magaalada Scranton ee gobolka Pennsylvania, sanadkii 1942-kii
intii uu socday dagaalkii labaad ee aduunka.
Madaxweynihii
ugu da’ada weynaa ee Mareykanka waxa uu ahaa Ronald Reagan, oo ahaa 77 jir ka
hor inta uusan xafiiska ka tagin sanadkii 1989-kii.
Isagoo
ka jawaabay markii guushiisa la saadaaliyay ayuu fariin uu Twitter-ka soo
dhigay ku yiri “Waxaa Sharaf ii ah inaad ii doorateen inaan hogaamiyo dalkeena
sharafta badan.”
Guusha Biden ayaa ka dhigeysa Madaxweyne Trump, madaxweynihii sadexaad ee afartankii sanadood ee la soo dhaafay ku guul dareysta in dib loo soo doorto.
Waxaa
la caleema saarayaa Mr. Biden bisha January ee sanadka soo socda, markaa oo uu
la wareegi doono Xafiiska Madaxweynaha ee Aqalka Cad.
Waxaa kaloo guushan la wadaaga, haweeneyda uu ku xigeenka u doortay Senator Kamala Harris, oo iyadu dhigeysa taariikh ah in ay noqoto haweeneydii ugu horeysay ee Madaxweyne ku xigeen loo doorto, taariikhda Mareykanka ee 244 sana jirka ah.