“Kaadhka Codeynta Doorashada Hadaan La Haysanin Waa Qori Bilaa Rasaasa Oo Dagaal Lagu Galay….. ” Murashax Siciid Yuusuf

“Waxaan Ahay Murashax U Tartamaya Doorashada Golayaasha Deegaanka  Ee Caasimada Hargeysa…..” Aqoonyahan Siciid Yuusuf

Hargeysa(Hayaannews): Siciid Yuusuf Aadan Garow waa aqoonyan reer Somaliland ah, ayaa markii ugu horeysay shaaciyey inuu yahay Murashax u tartami doona Doorashada Golayaasha Deegaanka Somaliland ee la filayo inay dalka ka qabsoonto badhtamaha sannadka 2021.

Siciid Yuusuf ayaa waxa uu sheegay inuu la tashi badan, kadib uu qaatay inuu isu soo sharxo doorashada Golayaasha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa.

Haddaba, Qoraal kooban oo uu Siciid Yuusuf Aaden soo saaray maanta ayaa waxa uu kaga hadlay shaacinta Murashaxnimadiisa, Tallooyinkii uu la yeeshay Waxgaradka iyo Aqoon-yahanka beesha iyo arrimmo door ah,kaas oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan “Maanta oo taariikhdu tahay 7-ta bisha December 2020-ka waxaan shaacinayaa inaan ahay Murashax u tartami doona Doorashada Golayaasha Deegaanka Somaliland ee fooda innagu soo haysa haddii Alle idmo. Arrinta ku saabsan Murrashaxnimadayda waxay ka dhalatay wada-tashi aan la sameeyey Dad kala duwan oo aanu isku beel ka soo jeedno iyo asaxaabtayda, kuwaasoo igu dhiiri-geliyey in maanta fursaddaasi ii banaan tahay.”

“Marka ugu horaysa waa waajib in qofku wax doorto lana doorto, waxaanay ka mid yihiin Xuquuqaha aas-aasiga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland ka siman yihiin Dastuuriyan. Annigoo qodobkaas ka duulaya, waxaan halkan ka caddaynayaa in aan u taaganahay ka mid noqoshadda Murashaxiinta doorashadda Golayaasha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa ee soo socota haddii ILAAHAY Idmo.”Ayuu yidhi

“Waxaan Ogaysiinayaa amaba aan ku War-gelinayaa Taageerayaashayda iyo Asxaabtayda gaarka ahba, inaan ahay Murashax u taagan doorashada Golayaasha Deegaanka Caasimada Hargeysa 20201-ka,waxaan ahay ninkii ugu horeeyay ee Waxgaradka beeshiisa Sheekh Cismaan ARAB Sheekh Isaxaaq ku war-geliyay damaciisa siyaasiga ah, waanay igu taageereen dhammaantood, waxaana u muuqatay in baahi loo qabo Xildhibaan danta qaranka iyo tan deegaankaba ka shaqeeya.”Ayuu yidhi Murashax Siciid Yuusuf.

Aqoonyahan Siciid Yuusuf waa nin karti iyo dedaal baddan oo dad isku wad leh, isla markaana meelo fara baddan ka soo shaqeeyay oo hoggaamin leh “Waxaan ugu baaqayaa bulsho-weynta reer Somaliland, gaar ahaan dadweynaha ku nool Caasimada Hargeysa inay is-diwaangeliyaan oo ay qaataan kaadhka codeynta, si ay igu codeeyaan….Kaadhka codeynta doorashada hadaan la haysan waa qori bilaa rasaas ah ee Kaadhka Cod-bixinta qaata dadkaygiiyoow”. Ayuu Yidhi

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com