Khaasaraha Ka Dhashay 48- Beerood Oo Ku gubtay Deegaanka Go’da Yar.

Berbera (Hayaannews) 48- Beerood ayaa ku gubtay deegaanka Go’da yar oo katirsan gobolka Saaxil kadib markii uu halkaasi dab ka kacay.

Sida ay warbaahinta qaranka u sheegeen Beeraleyda deegaankaasi Go’da yare e gobolka Saaxil waxa ay sheegeen in dabkaasi uu waxyeelo soo gaadhsiisayay iyadoo aan la garanayn sababta ka dambaysay ama amaba kicisay.

Beeralyda ayaa deegaanka Go’da yar ayaa intaa ku daray 48-ka beerood ee ku basbeelay dabka halkaasi ka kacay inay ahaayeen beero qaddiimi ah oo midkiiba 50- qoys laheeyeen.  Waxayna xuseen in dad badan oo danyar ahi ay quudan jireen waxyaabaha kala duwan ee Beerahaasi kasoo baxa iyagoo xukuumadana u diray qaylo dhaan.

#Hayaannews

#Somalland, Hargeisa