Komiishanka Doorashooyinka Oo Digniin ka Soo Saaray ku Noq-noqoshada Diwaangelinta

Burco (Hayaannews):- Gudida Komishanka Doorashooyinka Qaranka,ayaa digiin kama dambays ah ka soo saaray dadka ku noq noqda isdiiwaan gelinta codbixiyeyaasha.

Gudida doorashooyinka qaranka oo socdaal ku maray gobolada ay hadda ka socoto is-diiwaan gelinta codbixiyeyaashu ayaa sheegay in ay si wanaagsan uga socoto gobolada ay ka socoto kana hadlay dad ku noq noqday oo ay sheegeen in ay waayayaan xuquuqdooda codbiyenimo.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa kormeer ku maray deegaamada hoos-taga, gobolada Togdheer, Sanaag, Daad-madheedh, Saraar iyo Buuhoodle oo ay ka socoto wajiga labaad ee diwaangelinta codbixiyeyaasha Doorashada oo deegaamadaasi ka bilaabantay todobaadkan horraantiisii.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Cabdirashiid Maxamuud Cali (Cabdirashiid Riyo-raac) oo ay weheliyaan xubno kamida guddida heer qaran iyo gobol ee Komishanka, ayaa kormeerkooda ku gaalaa-bixiyey xarumaha diwaangelinta ee gobolka Togdheer iyo degmooyinka kale ee ay ka socoto, waxaanay u kuurgaleen habsami u socodka howsha diwaangelinta.

Masuuliyiinta ayaa kormeerka kaddib, faahfaahin ka bixiyey sida ay uga socoto diwaangelintu degmooyinka ay gaadheen, waxaanay sheegeen in ay si fiican dadku ugu soo baxeen diwangelinta, inkasta oo ay meelaha qaar dadku dhul fog uga hayaameen, taasina ay ku keliftay in ay masaafo dheer u soo socdaan deegaanada laga diwaangelinayo.

Waxa ay sheegeen in Gobolka Buuhoodle, deegaamada Widh-widh, Balicad, Qorulugud, Coodanle iyo deegaamo kale ay si hufan uga socoto diwaangelintu, halka degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-afweyn iyaguna si fiican uga socoto.

Xubnaha Komishanka, ayaa intaa ku daray in aan haba yaraatee wax caqabad ahi ku iman howsha diwaangelinta, qalabka diwaangelinta iyo Isgaadhsiintuna sidii loogu talogalay u shaqaynayaan.

Guddoomiyaha Guddida Doorashada Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa isagoo ka hadlaya shirka jaraa’id ee ay ku faahfaahiyeen howsha diwaangelinta, waxa uu digniin u diray dadka hore isu diwaangeliyey ee ku noqday mar labaad oo uu sheegay in ay ku badan yihiin deegaamada ay kormeereen.

Guddoomiye Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa kula taliyey bulshada in qofkii hore isu-diwaangeliyey hal mar aanu mar kale is-diwaangelin, si aanu uga guban Kaadhkiisa codbixintu.

“waxa soo baxaysa in dadka ku noqnoqonaya ee Kaadhkooda gubayaa ku badan yihiin Gobolkan (Togdheer). dadka qaar badheedh ayey u samaynayaan markii aanu xaqiijinay, qaarkoodna waxa ay ilaaween in ay hore u galeen sida ay noo sheegayaan”ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Isagoo hadalka sii wata waxa uu codbixiyeyaasha ugu baaqay “markaa qof waliba ha ogaado haddii aanu indhihiisa qaadno in aanu hayno oo uu Kaadhkiisu ka gubanayo hadduu hore u galay. markaa waxa aanu ugu baaqaynaa in la joojiyo dadka leh ismaanu diwaangelin iyagoo is og”ayuu raaciyey hadalkiisa mar uu ka hadlayey goob diwaangelineed.

Sida ay hore u sheegeen maamulka iyo waxgaradka gobolka Togdheer dad badan oo ku dhaqnaa jiidaha ay diwaangelintu hadda ka socoto, gaar ahaan reer guuraa ah, ayaa u tallaabay deegaamo dhaca gudaha Itoobiya, taasoo ah caqbada illaa imika daneeyayaasha Doorashada ka haysata sidii ay dadkaasi fursad ugu heli lahaayeen diwaangelinta, iyadoo Komishanka Doorashooyinkuna ka garaabeen culayska ay leedahay.