Komiishanka Doorashooyinka Oo Ku Gacan Saydhay Dalab uga yimi Odaayasha Gobollada Bariga

Hargeysa (Hayaannews)- Kulan habeen hore aqalka madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ay ku yeesheen madaxda axsaabta qaranka, xubno ka mida golaha Wasiirada iyo Komishanka doorashooyinka qaranka oo daba socday kulamo hore u dhex maray madaxweynaha, axsaabta qaranka iyo odayaasha gobollada barriga ayaa lagu go’aamiyey in lagala tashado oo loo bandhigo komishanka doorashooyinka qaranka inay wixii suuragala ay dib u eegaan jadwalka diwaangelinta codbixiyayaasha.

Koomishanka doorashooyinka oo Kulankaasi loogu yeedhay ayaa cadeeyey in wakhtigu ku yar yahay, suurta galna aanay ahayn in ay mar kale dib u eegis ku sameeyaan wakhtiga diwaangelinta codbixiyeyaasha in dib loo dhigo, madaama wakhtigu is-riixayo.

Ujeedada Kulanka ayaa ahaa in dib loo eego jedwalka diwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka oo hore ay u dejiyeen komishanka doorashooyinku; kana bilaabmay gobollada galbeedka, iyada oo la filayo in 13-12-2020 ka bilaabmanto gobolada barriga oo abaar ay ka jirto dadkiina ka guureen maalaha qaar.

Markii kulanku soo dhammaaday ayaa waxaa si wada jir ah warbaahinta ula hadlay madaxda axsaabta qaranka iyo komishanka doorashooyinka qaranka oo fariin u diray gobollada codsiga hore u soo gudbiyey inay u diyaar garoobaan diwaan-gelinta codbixiyeyaasha wakhtigii hore loogu asteeyey inay kaga qabsoonto gobolladaasi.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com