Komiishanka Doorashooyinka Oo Shaaciyey Wakhtiga Ay Ku Eekeyd Is-Casilaada Dadka Ka Shaqeeya Laamaha Dawladda Iyo Ciidamadda Ee Hanku Ku Jiro.

Hargeysa(Hayaannews):- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeeyey in muddada sharcigu u banneeyey inay isku casilaan dadka shaqaalaha dowladda ah darajo kasta oo ay leeyihiin iyo saraakiisha ciidammada ee doonaya inay isku sharaxaan Golayaasha Wakiillada iyo degaannada ay ugu dambayso maanta oo ah (Salaasa, 2 March 2021).

Warsaxaafadeed ka soo baxay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka isla markaana uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Wararka ee Hayaannews ayaa waxa uu u dhignaa Sidan:-

Sida aynu wada ognahay waxaa dalka ku soo fool leh doorashooyinka isku sidkan ee labada gole ee Wakiilladda iyo deegaanka oo ku mudaysan 31-ka bisha may 2021.

Komiishanka doorashooyinka qaranku waxa uu faray Musharixiinta u taagan doorashooyinku inay banneeyaan shaqada ay ka hayaan hay’adaha qaranka.

Waxaa Xeerka guud ee doorashooyinku Xeer Lambar 91/2020 uu ku waajibinayaa shaqaalaha dawladda,Ciidamadda qaranka iyo hay’adaha dawliga ah darajo kasta oo ay yihiin in aan loo ogolayn inay isku sharaxaan doorashooyinka Wakiilladda iyo deegaanka hadii aanay shaqo ka tagis soo qorin 90 Cisho ka hor qabsoomidda doorashadda.

Sidaa daraadeed waxa uu Komiishanku ku wargalinayaa Cid kasta oo doonaysa inay ka qayb qaataan doorashadda gollaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka ee ku mudaysan 31-ka bisha May 2021 in Xiliga sharcigu u xadeeyay soo gudbinta is casiladoodu ay tahay ugu danbayn 02.03.2021 ( oo maanta ku beegan ) Warsaxaafadeedku waxa uu intaas ku daray in shaqo ka tagistaas ay shardi u ah inuu qoraal ku soo cadeeyo, Xafiiska, Hay’adda ama cida awooda u lihi sida uu waajibinayo qodobka 90-aad ee xeer Lambar 91/2020.

Sidoo kale waxa uu Komiishanka doorashooyinka qaranku cadaynayaa inay reeban tahay in hantidda qaranka loo isticimaalo ololaha doorashooyinka sida ku cad qodobka 94-aad ee Xeer Lambar 91/2020.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email:Hayaannewssoma@gmail.com