Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Ka Gudoomay Saddexda Xisbi Qaran Hormadii Koowaad Ee Liiska Murrashaxiinta

Hargeysa(Hayaannews)-Komiishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa ka guddoomay saddexda Xisbi Qaran (UCID, WADDANI iyo KULMIYE) ee dalka ka dhisan shalay oo ay Bisha March ahayd 17/2021, Liiska Murrashaxiinta goleyaasha Deegaanka ee Afar Degmo-doorasho oo ah Hargaysa ,Gabilay, Bali Gubadle , Iyo Salaxalay ee Gobolka Maroodi-jeex.

Wakiillo ka socda Saddexda Xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa xarunta guud ee Guddida Doorashooyinka ku wareejiyey Liiska Murrashaxiinta uga sharaxan Gobolka Maroodi -Jeex ee Dagmooyinkiisa Hargaysa, Gabilay, Bali Gubadle Iyo Salaxalay, sida lagu muujiyey warkuu soo saaray Komishanku.

Dhanka kale, masuuliyiin ka tirsan Madaxda asxaabta Qaranka oo warbaahinta kula hadlay shirar jaraa’id oo gooni-gooni ah, ayaa sheegay in ay guddida Doorashada ku wareejiyeen liisaska dhamaan Murrashaxiinta uga sharaxan gobolada iyo degmooyinka, soo afjareen kala-xulista iyo kala-reebida Murrashaxiintooda.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Ibraahim Axmed Raabi iyo Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) oo si wada jira Warbaahinta ula hadlay ayaa waxa ay Sheegeen in Liiska Musharaxiinta Xisbigaasi uga qaybgelaya Doorashooyinka isku-sidkan u gudbiyeen Koomishanka Doorashooyinka Qaranka.

“Maanta oo Bisha tahay 17 March waxa ay ku ee kayd Maalintii Musharaxiinta Xisbiyadda u gudbinayeen Liiska Musharaxiinta Doorashooyinka, anaga oo taa ka duulayna waxa aan u Sheegaynaa Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye in wakhtigii loogu talo galay ku dhamaynay. faylashii dhamaan Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye ee Gobalada dalka waxa aanu ku wareejinay Koomishanka Doorashooyinka Qaranka,”ayuu yidhi Ibraahim Axmed Raabi.

Dhinaca kale, ku-simaha xoghayaha guud ee xisbiga UCID C/naasir Yuusuf Cismaan (Qodax), oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta guud ee xibsigu ku leeyahay Hargaysa, kadib markii ay xogta nurashaxiinta degmooyinka dalka u gudbiyeen komishanka doorashooyinka, ayaa sheegay inay gudbiyeen dhamaanba xogta iyo macluumaadka 196-ka murashaxa ee uga tartamaya Golaha Wakiillada iyo Deegaamada.

Waxaanu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay tiradda murashaxiinta ay macluumaadkoodda xereeyeen iyo degmo-doorashooyinka ay ka kala sharaxan yihiin.

“In ay maanta ku beegnayd maalintii u danbaysay ee Arraajidda murashaxiinta goleyaasha deegaanka ee xisbiga UCID u qabtay in ay u gudbiyaan komishanka doorashooyinka qaranka. Araajidda, faylsha iyo codsiyadda murashaxiinta.

Geesta kale, Guddida kala saarista iyo soo xulista Murashixiinta Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada ee Xisbiga WADDANI ayaa ku dhawaaqay in ay soo gebo-gabeeyeen kala saarista iyo soo xulista Murashixiinta Golayaasha Deegaanka ee dalka JSL ee uga tartami doonna Xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha Guddida Mudane Xil Cabdilqaadir Jirde ayaa warbaahinta u sheegay in ay shalay oo Arbaco ah si rasmi ah u gunnaanadeen howshii kala xulista musharrixiinta oo ay wadeen muddo ku siman 3 billod, isla markaana ay u mareen kala xulista hannaanka xeerka doorashada, xeer nidaamiyaha kala xulista iyo xeer hoosaadka Xisbiga WADDANI.

“waxaanu halkan kaga dhawaaqaynaa in ay maanta xidhantay howshii kala saarida murrashaxiinta goleyaasha Deegaanku, cidii cabasho qabta waxay u gudbin kartaa guddida xalinta khilaafaadka Xisbiga”ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa hore asxaabta Qaranka ugu war geliyey inay ugu dambeyn 17 bisha March soo gudbiyaan Liisaska Murrashaxiintooda, taasoo iyadoo la dabaqayo shalay qaybtii koowaad oo goleyaasha Deegaanka ah laga qabtay.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com