Kormeerka Murashax Axmed-MAAWEEL Ee Goobaha Diwaan-gelinta,Caqabadaha Iyo Ciladaha Soo Baxaya, Baaqna U Direy Komiishanka Doorashooyinka.

“Waa Khasab in la helo muddo ka baddan afartan cisho oo korodhsiimo ah si dadweynuhu isu-diwaan-geliyo Degmada Hargeysa.”.Murashax Axmed-MAAWEEL

Hageysa(Hayaannews): Murashax Axmed Maxamed Fidhin (Axmed-MAAWEEL),ayaa ugu baaqay komiishanka doorashooyinka Somaliland inay muddada diwaangelinta cod bixinta ay kordhiyaan oo ay ku yar tahay,isla markaana caqabadaha iyo ciladaha soo if-baxaya ay xaliyaan.

Sidaa waxa uu Murashax Axmed-MAAWEEL ku sheegay,kadib markii uu kor meer ku soo maray degmooyinka Axmed Dhagax Iyo 31-ka May ee ay diwaangelintu ka socoto.

Kormeerkan oo ay u-jeedadiisu ahayd sidii uu ugu kuur-geli lahaa hab-sami-u-socodka goobaha diwaan-gelintu ka socotay, ayaa waxa uu sheegay inay jiraan caqabado iyo cilado farsamo oo ka jira goobahaasi.

“Suurtagal maaha in muddo afar cisho ah lagu diwaangeliyo dadka doonaya inay iska-diwaangeliyaan Degmada Caasimada Hargeysa oo aynu og-nahay baaxada dadka ku nool, iyo goobaha codka laga dhiibanayo oo yar, iyada oo aan hal goob ah lagu kordhin, gaar ahaan degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31-ka MAY iyo ciladaha faraha baddan ee ku yimi diwaangelinta codbixinta daradeed ”.Ayuu yidhi Murashax Axmed-MAAWEEL oo maanta u waramayay Shabakada Wararka ee Hayaannews.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: “Waxa  xumaaday qaar ka mida qalabkii Computer-ada ee lagu shaqeynayay, iyo qaar ka mida dadka ka shaqeynayay qalabkaa wax lagu diwaangeliyo oo aan aqoon baddan u lahayn ku shaqeynta Computer-ada, taasina waxay keentay inay kuyuugu dhaadheeraadaan oo gabalkii u dhaco dadkii oo ku-yuuga ku jira”.

Axmed-MAAWEEL Mar uu la hadlayay Komiishanka doorashooyinka waxa uu yidhi:“Nama kaafiyeyso muddada kooban ee afarta cisho ahi ee la yidhi dadka ha lagu diwaangeliyo. Waxa Khasab ah  in la helo muddo ka baddan afartan cisho oo korodhsiimo ah si dadweynuhu isu-diwaan-geliyo”.

Diwaan-gelinta codbixinta ayaa waxay ka bilaabantay  degmada Hargeysa iyo Gobolka Saaxil 13-kii bishan December 2020. Iyada oo hore uga soo bilaabantay  deegaanada toddoba degmo doorasho ee kala ah Degmada Saylac, Lughaya, Baki, Boorama, Gabiley, Balligubadle iyo Salaxlley.

#Hayaannews

#Mustafe_Janaale

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewsssoma@gmail.com