Kulan La Filayay Inuu Dhex Maro Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Gancasade Axmed Cismaan Geele Oo Baaqday

Hargeysa(Hayaannews)-Waxa shalay si kedis ah u baaqday kulan la filayay inuu dhex maro ganacsade Axmed Cismaan Geele iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka ayay  ujeedadiisu ahayd in lagaga tashado xiisadda ka dhalatay qorshe ay dawladda Djibouti ku doonayso in maxkamadaha Somaliland ay u fuliyaan  xukun ay maxkamadaha Djibouti gaadheen oo ah in la xaraasho xoolaha Axmed Cismaan Geele ee Djibouti. Waxa ay Djibouti dalbanaysaa in la xaraasho xoolaha Axmed Cismaan ee Somaliland.

Kulanka ayaan si rasmi ah loo garanayn sababaha baajiyay, waxase baaqashada kulankani uu ku soo beegmay markii ay Salaadiin uu horkacayo Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, cambaareeyeen qorshe ay sheegeen in dawladda Djibouti ay waddo oo ah in xukunkaas ay maxkamadaha Djibouti gaadheen ay fuliyaan maxkamadaha Somaliland oo loo xaraasho xoolaha uu Axmed Cismaan leeyahay ee gudaha Somaliland.

Xukunka ay maxkamadaha Djibouti gaadheen ee ah in la xaraasho xoolaha ganacsade Axmed Cismaan Geele ee Djibouti, ayay Djibouti dalbatay in maxkamadaha Somaliland u fuliyaan, waxaanu dalabkii Djibouti horyaalaa maxkamadda rafcaanka ee gobalka Maroodi-jeex, iyadoo ay wasaaradaha cadaaladda iyo arrimaha dibaddu saxeexeen in dalabkaasi u gudbo maxkamadaha Somaliland.

Weli ma cadda qorshaha uu Madaxweyne Biixi doonayo inuu ku maareeyo kiiskan oo abuuray dareen xaasaasi ah.