Liiska Magacyada Hoggaanka Cusub Ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Lagu Caleemo Saaray Iyo Jawiga Shirweynihii 7aad Ee Golahaasi


Madaxweyne Biixi Oo U Magacaabay Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE u magacaabay Ibraahim Axmed Raabi,

Hargeysa(Hayaannews): Shirka 7aad ee Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa maanta lagu doortay Hoggaanka Golaha dhexe ee Xisbigaasi. Kadib markii uu maanta si rasmi ah ugu furmay magaaladda Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE u magacaabay Ibraahim Axmed Raabi, kadibna Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Xoghaya Guud.

Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo ka kooban 310-xubnood waxaana loo doortay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Maxamuud Jaamac Warfaa, Halka guddoomiye Kuxigeenka Golaha dhexe loo doortay Cali Maxamed Cali, iyada oo Xoghayaha Golaha dhexena ee Xisbiga KULMIYE-na loo doortay Mustafe Maxamed Yoonis.

Xubnaha guddida fulinta Xisbiga KULMIYE ee cusub waxay Kooban yihiin 31 xubnood, Waxaanna cod aqbaliyad ah ku ansixiyey Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.

“Mudnaanta koowaad ee xukuumadda uu faray xisbiga KULMIYE iyo shuruucda Qaranku waa ilaalinta Qaranimada Somaliland oo aan lagu gacan-maroojin karin dhaqaale, xoog ciidan iyo wax kastoo kale toona. Waa taa siyaasadda aannu ku shaqaynaynaa oo naga go’an.” Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE ibraahim Axmed Raabi
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Maxamuud Jaamac Warfaa

#HAYAANNEWS, Office

Hargeysa, Somaliland