Liiska Magacyada Hoggaanka Cusub Ee Lagu Ansixiyey Shirweynaha Xisbiga KULMIYE


Hargeysa(Hayaannews); Ergada Shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye waxa ay Cod Aqlabiyad ah oo loo dhanyahay (Unanimous) ku ansixiyeen Hoggaanka Xisbiga ee 5ta sannadood ee soo socda.

Hoggaankan cusub ee lagu cumaamaday shirweynaha 4aad ee Xisbiga KULMIYE oo galay maalintiisi 2aad ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin

Hoggaankan cusub ee lagu doortay shirweynaha 4aad ayaa magacyadoodu kala ahaayeen:

Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Maxamed kaahin Axmed

Gudoomiye ku xigeenka Labaad Ahmed Cabdi Dheere

Gudoomiye ku xigeenka Saddexaad Xuseen Aadan Cadde

Gudoomiye ku xigeenka Afraad Maxamuud Sacad Saajin  .

Waxaana loogu codeeyay xubnahani Cod Caqlabiyad ah cid diidayna ma jirin

Ergada shirweynaha 4aad ee xisbiga KULMIYE ayaa cod ku go’aamiyey in tirada Golaha Dhexe ee xisbigu ay ahaato sideedii, iyada oo 241 xubnood ay ka imanayaan Gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo Haweenku gobol kasta ku yeelan doonaan qoondo 20% ah. Waxa shirweynuhu diiday soo jeedin hoggaanka xisbigu kaga codsaday in la yareeyo tirada golaha dhexe ee xisbiga oo tirada ka imanaysa gollada laga dhigo 153 xunood.

“Waxaan doonayaa in aan caddeeyo sida ay dhigayaan Xeer14 iyo xeerka Xisbigu labadii goor ee la ii dooran lahaa Guddoomiyenimada KULMIYE  labadiiba waan isu taagay, waana la ii doortay, waxa hubaal ah doorashada dambe haddii Alle caafimaad innagu gaadhsiiyo anigoo oday ka ah oo aan tartan ku jirim in aan xisbiga ka mid noqon doono.” Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Masaxweynaha Qaranka Md. Muuse Biixi Cabdi.

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland