“Lionel Messi Wuxuu Arkaa Waxaan Dadka Kale U Muuqan”

Macalinka kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa sheegay in Lionel Messi uu arko wax kuwa kale aysan ku dhex arkin garoonka dhexdiisa.

Barcelona ayaa xalay si fudud saddexda dhibcood kaga qaadatay Camp Nou kooxda Real Valladolid, kaddib markii ay kaga adkaatay 5-1, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 10-aad horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Ernesto Valverde ayaa kaddib ciyaarta wuxuu ka soo muuqday shir jaraa’id wuxuuna ka hadlay dhowr arrimood ee kooxda Barcelona ku saabsan wuxuuna yidhi“Lionel Messi wuxuu arkaa wax kuwa kale aysan arkin”.

“Maxaan dhihi karaa? Waxaan had iyo jeer ognahay inuu ka soo muuqdo si kasta oo ay ciyaartu tahay,  inbadan ayuu soo dhexgalayaa wuuna na caawiyaa, taasoo ah wax anaga noo wanaagsan“Wuxuu leeyahay hibo gaar ah, xaqiiqduna waxay tahay in markasta uu taabto kubadda ay wax gaar ah dhacaan”.

Ciyaaryahanka Messi

“Ma heli karo erayo aan isaga kaga hadli karo, marka aad aragto Messi oo ciyaaraya, waxaad u maleynaysaa in wax walba ay fududahay, laakiin runtii maya”.

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland