Maayirka Caasimada Hargeysa Oo Loo Doortay Cabdikariin Axmed Mooge Iyo Jawigii Saaka Ee Golaha Deegaanka

Hargeysa(Hayaannews): Xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka magaalada Hargeysa ayaa maanta Duqa Magaalada u doortay Cabdikariim Axmed Mooge iyadoo ay ku xigeenkiisa u doorteen Khadar Axmed Cumar.

Labadan mas’uul ayaa ka soo kala baxay xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI yo UCID oo heshiis isbaheysi gaaray kadib doorashooyinkii dhowaan ka dhacay Somaliland.

Doorashada, ayaa ahayd mid loo dhan yahay, waxaana Cabdikariin Axmed Mooge si aqlabiyad leh ugu doortay duqa Hargeysa xubnaha 17-ka ah ee golaha deegaanka.

Sidoo kale, waxaa isna maayar ku xigeen loo doortay Khadar Axmed Nuur oo ku soo baxay doorashadii saaka ka dhacday.

Doorashadan oo gacan taag ahayd waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo boggaadiyey qaabka ay u dhacday.

“Illaahay waxaan ka baryayaa in uu naga dhigo kuwo Kitaabka ay ku dhaarteen ilaaliya oo dadkooda u shaqeeya,” ayuu yidhi maayir Cabdikariin Axmed Mooge oo la hadlay Warbaahinta kadib doorashada.

Maayirka cusub ee Magaalada Hareysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa ahaa musharraxii ugu codadka badnaa doorashooyinkii dhowaan ka dhacay Somaliland, wuxuuna helay 26 kun.

Dhinaca Kale Dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxaa 31-kii bishii May 2021 ka dhacday doorasho taariikhi ahayd oo isugu jirtay tan baarlamaanka iyo mida deegaanka, waxaana ku tartamay xisbiga haatan talada haya ee Kulmiye iyo sidoo kale xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com