Madaxda Xisbiyada UCID iyo WADDANI oo ka Hadlay Muhiimada Maalinta Qaran ee 18 May
May 20, 2019 - Written by admin
Hargeysa (Hayaannews):- Madaxda xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID,ayaa ka hadlay xuska maalinta qaran ee 18 May iyo waynaynteeda isla markaana caddeeyay in ay tahay maalin Somaliland ay wada leedahay oo ah maalin qaran.
Guddoomiyaha
xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha ku
meel-gaadhka ah ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, xildhibaan Cabdiqaadir
Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka qayb galay afur habeen hore madaxweyne Muuse Biixii
u sameeyay madaxda qaranka Somaliland, ayay labada masuul hadalo kooban oo ay
munaasibaddaa afurka ah ka jeediyeen kuna sheegeen in Somaliland oo dhami ay
wada leedahay maalinta qaran.
Gudoomiyaha
xisbiga mucaaridka ah ee UCID In Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in ay
Somaliland haysato jaanis aanay waligeed helin imika horena aan u soo marin
isagoo arrintaa ka hadlayana waxaa uu yidhi. “Somaliland maanta jaanis
wanaagsan ayay heysata oo aan waligeed soo marin taana waxaa caddeynaya
wufuudda inoo timid, waxaan idinku waaninayaa, waxaa aynu wax ku noqon karnaa
inaga oo mideysan, inaga oo wixii khaldan aan Makarafoon isku qabsane aynu wada
hadal ku dhameysano, Somaliland waa mid ee inaga daaya beelaha darafyada iyo
wixii la mid ah, madaxduna maaha inay naxli abuurto, madaxdu maaha inay
bulshada qaybiso, inay dadka xumaanta ka ilaaliso oo ay hagto oo hogaamiso
weeye, qof aan waxba garaneynin in uu umadda hogaaamiyo maaha ee innaga ayaa u
caqliya, innaga ayaa odayaal ah ee waa inaynu innagu hoggaamino, doorashadu
INSHA ALLAH way inoo dhiciye, , markaas ayaynu Kililka Shanaad iyo Soomaaliyaba
wixii aynu u qaban karno aynu u qaban doonaa, halkan ayaa laga hagaajinayaa
Soomaaliya”
Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee
WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay in xisbigooda
labada xisbi ee kale iyo xukuumaddu in aanay wax wayn ku kala fogayn isla
markaana loo baahan yahay inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadaan in
asxaabta qaranka iyo Xukuumaddu in ay hadalka adag iskaga tudhaan.
“Bishan Ramadaan waxa inoo bilaabmay Mucaaradka iyo Xukuumadda inyar oo Deelleey ah oo la iswaydaarsaday inyar oo eedo ah iyo hadallo ah, Ramadaanta intii khayrka badnayd ayaa la gaadhay ee aynu halkaa ku joojino.”
Guddoomiyaha ku meel gaadha ah ee WADDANI oo hadalkiisa sii wata, ayaa
intaa raaciyay “Madaxweyne, Arrimaha doorashooyinka wax weyn oo aynu ku kala
fognahay ma jiraan ee Dadka yaanu shaki gelin, waxaaynu isku khilaafsanahay waa
wax yar oo Farsamo, iyadana haddii dhinac walba niyad-wanaag ka yimaaddo way
dhammaan doontaa.”