“Madaxwaynuhu Ha Ii Cafiyo Wiilkayga” Hooyo Cibaado

Hageysa(Hayaannews): Aniga oo ah hooyo Cibaado Maxamad Ibraahim, waxaan waydiisanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi in uu u ii cafiyo wiilkayga oo iga xidhan kaas oo magaciisu yahay Siciid Maxamed Axmed, kuna xidhan xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa, kaas oo loo hasystay lacag ku dhimantay oo ay dawladu lahayd, lacagtiina aan bixiyay

Waxaa jirta inay maxkamada gobolka Maroodi-jeex ay ku xukuntay saddex sanno, hadana waxaa xadhigii ku sii kordhisay maxkamada racfaanka.

Hadaba waxaan ahay hooyo danyar ah oo assay dhigtay, mana awoodo inaan u adkaysto mudadaasi dheer, haddaba iyada oo sharcigu ii ogolyahay

Inaan cafiska soo qorto waxaan codsanayaa inuu ii cafiyo madaxweynaha Somalialnd inankaasi oo ku xidhan jeelka Hargaysa.

Hooyo Cidaabo Maxamad Ibraahim, 063675477

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland