Madaxweynaha Kenya Oo Cambaareeyey Waddamo Shisheeye

Madaxweynaha dowadda Kenya, Uhuru kenyatta ayaa dhaleeceeyay wadamada shisheeye oo uu ku eedeeyay isku day fara galin ka dhan ah arrimaheeda gudaha.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay qadarinayso taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay ummadaha kale, balse aysan aqbalayn in cid kale soo fara galiso oo wax u yeeriso.

“Waxaan u mahadcelineynaa saraakiisha Qaramada Midoobay iyo dhamaan la-hawlgalayaasha wada shaqeynta dhow aan la leenahay. Laakiin xilligan la joogo waa inaan caddeeyaa in Kenya ay leedahay mulkiilayaal. milkiilayaasheedu waa 50 milyan oo Kenyan ah, ”ayuu yidhi madaxweyne Kenyatta.

Madaxweyne Kenyatta ayaa yidhi,” fadlan ka fogow faragalinta ama isku dayida inaad nagu hagto dariiqa aan ku socono.

Lama oga dalalka ay farriintiisa ku socota, waxaase ay ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya horey uga cabanaysay in ay Kenya faro galin ku hayso arrimaheeda gudaha gaar ahaan doorashada.