Madaxweynaha Somaliland oo Qaabbilay Arday Wax ku soo Baratay Dibedda oo Dalka ku Soo Laabtay

Hargeysa(Hayaannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabbilay Xubno ka tirsan Ardaydii ka baxday Dugsiga Abaarso ee duleedka Hargeysa, ka dibna wax ku soo bartay qaar ka mid ah Jaamacadaha dalalka Canada, Maraykanka iyo dalalka Yurub qaarkood.

Sidaa waxa lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Somaliland  ku qaabilay qaar kamida Ardaydii ka baxday Dugsiga Abaarso, kuwaasoo  hadda wax kusoo bartay qaar kamida Jaamacadaha Waddamada dibada sida Canada, USA iyo qaar kamida dalalka Yurub.

Kullankan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Mudane Siciid Sulub Maxamed, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Mudane Axmed Abokor Maxamed iyo qaar kamida Maamulka Dugsiga Abaarso.

Dhammaan masuuliyiintaasi waxay Ardayda kusoo dhaweeyeen Waddankooda Hooyo, waxaana ay u sheegeen inay wax ku yihiin Waddankooda sidoo kalena waxay uga mahad naqeen lasoo noqoshada Cilmigooda ay doonayaan inay dalkooda ku anfacayaan islamarkaana hadda  looga baahan yahay Tacab badan inay dalka geliyaan.

Dhalinyaradan wax kusoo baratay Waddamada horumaray ayaa  sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan horumarka waddankooda, islamarkaana ay qaranka gelin doonaan aqoontii ay soo barteen una heelan yihiin wax u qabashada Bulshahooda Somaliland, Jaamacadaha ardaydani kasoo baxeen oo ay kamid yihiin: Earth University, TCU, West Med College – Merced, California, African Leadership University.

Qaar kamida Ardayda ayaa ka sheekeeyey marxaladihii ay kusoo mareen waddamadii ay wax kusoo barteen waxaana hadalkooda ka mid ahaa “Kulligayo markaanu halkan ka tagnay Safiiro ayaanu ahayn oo waxaanu u maqnayn Waddankayaga Dhammaan Jaamacadihii iyo Iskuuladii aanu aadanay waxa aanu ka taagnay Calankeena Jamhuuuriyadda Somaliland Madaxweyne imika ku yaalla, midkastaaba isagoo ka taagan ayaanu ka nimi, iyada oo aan Somaliland laga aqoonina waanu tagnay, cidkasta oo na dhegaysanaysa oo wax naga maqlaysa Somaliland waanu u sheegi jirnay, haddii Calan naloo taagayo inaan ka Somaliland mid aan ahayn naloo taagaynin waan u sheegi jirnay”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu danbayntii dardaaran u jeediyey Ardayda kusoo laabtay Waddankooda islamarkaana wax usoo bartay waxaana uu yidhi “Marka hore iskuulka annigu dadka oggol baan ahay oo ma dhegaysto dadkan dacaayada ku hadlaya, markaa dadka aasaasay ee meesha tegay dadkii aan annigu kuba dayanayey ee aan iska hor marinaayey ayaa caruurtoodii geeyey, markaa sabab Iskuulkan loo yidhaahdo waa laydin caayey oo cidd looga dhegaystaa ma jirto, Waxaan leeyahay aan samayno habkii aan isu kaashan lahayn, sidii loo wada shaqayn lahaa ee idinkana wixii laydinla qaban karo laydiinla qaban lahaa iddina baahida dalka aad  wax uga qaban lahaydeen.

Ugu Danbayntiina Madaxweynuhu waxa uu Ardayda ku booriyey inay kusoo dhawaadaan Waddankooda iyo Qasriga Madaxtooyada una sheegay inuu diyaar u yahay Talladooda iyo tusaalahooda si horumar loo gaadho “Halkana waa meeshiini waad iman kartaan waad ka talin kartaan warkiinu waa isoo gaadhayaa, aad iyo aad baan idiinku mahadnaqayaa, sidaa aan u wada shaqayno, waan rajaynayaa inaan tallaabo wada qaadi karno, shaqo qarana qaranku waa idiin diyaar meelo badan.” sidaa ayaa lagu yidhi warkan qoraalka ah ee madaxtooyada naga soo gaadhay.