Muuse Biixi Cabdi oo shirweynaha
Afraad ee xisbiga KULMIYE si rasmi ah u daah-furay, ayaa madasha ka jeediyey
khudbad ballaadhan oo dhinacyo kala duwan taabanaysa, taas oo uu inteeda badan
diiradda ku saaray guulihii kala dambeeyey uu xisbiga KULMIYE qaranka
Somaliland gaadhsiiyey muddadii uu caynaanka hayey, isagoo caddeeyey in
xukuumadihii kala dambeeyey ee xisbiga ka dhashay ay muhiimad gaar ah siiyeen
sinnaanta muwaadiniinta, ilaalinta qarannimada, ilaalinta iyo adkaynta
shuruucda dalka, ilaalinta amniga, daryeelka shaqaalaha dawladda, dhismeyaasha
kaabayaasha dhaqaalaha, hirgelinta dawlad-wanaagga, kor u qaadista iyo tayeynta
tacliinta iyo sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen haweenka iyo bulshada
nugulka ahi.
Madaxweynuhu waxa uu khudbaddiisa
ku xusay madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Aas-aasihii
xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ku tilmaamay
rug-caddaa siyaasi ah oo dalka iyo dadkaba in badan usoo shaqeeyey,
bulshadiisana wax badan u dhiteeyey, isaga oo sidoo kalena u mahadnaqay
madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii
(Saylici) oo isagu dhawaan shaaciyey inuu ka tanaasulay Kursiga
guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga oo uu hore ugu talo galay inuu u
tartamo, waxana uu go’aankaas ku tilmaamay mid taariikhi ah oo tudhaale u ah
bahweynta xisbiga iyo guud ahaanba Somaliland.
Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayaa socon doona labada maalmood ee foodda inagu soo haya, waxana qorshuhu yahay in lagu soo doorto hoggaankii xisbiga hoggaamin lahaa muddo-xileedka soo socota, iyada oo sidoo kale lagu gorfayn doono arrimo muhiim ah oo ajandaha shirka kamid ah.