Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Xidhay Shirweynaha Afraad Ee Xisbiga KULMIYE DAAWO SAWIRADAN

  ·

Hargeysa(Hayaannews)-Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE,  Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo xidhay shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo maalmahan ka socday caasimadda Hargeysa.

Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo maalintiisii saddexaad galay, ayaa ka hor intii aanu madaxweynuhu soo xidhin  waxa ay ergooyinku duuduub ku ansixiyeen tirada xubnaha golaha dhexe oo ah 241 (laba boqol iyo Afartan iyo kow) xubnood, iyada oo ay  madasha ku sugnaayeen 234 xubnood, halka ay maqane ahaayeen 7-xubnood oo kale.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xidhitaanka shirka hadal ka jeediyey, ayaa hambalyeeyey ergeda ka qaybgashay shirweynaha iyo  habweynta KULMIYE  sida ay ugu dhabar-adaygeen muddadii shirku socday.

Mudane Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu baaq odoytinimo ah u diray bahweynta KULMIYE, waxana uu kula dardaarmay inay isu tanaasulaan, xisbinimadana wax kasta ka horraysiiyaan oo ay muhiimadda koowaad siiyaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxan leeyahay dhammaanteen waxa aynu haynaa wax ina wada gaadha ma ahee waxa ina wada gaadhaya magaca iyo karamaada xisbiga uu magaciisu inaga dhexeeyo, markaa dadka intii calafku ku qoraa way ku qornaanaysaa, intii aan ku qornaynina waa inay u aragtaa in walaalkii, walaashii iyo saaxiibkii lagu qoray, waana inaynu isu tanaasulnaa oo isku calool wanaagsanaanaa. Arrinta ugu muhiimsani waa xisbinimadu  inay qiime yeelato.”

 Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa  bogaadiyey hoggaanka cusub ee ergadu dooratay, waxana uu taageerayaasha xisbiga ku dhiirrigeliyey inay gacmaha isu qabsadaan sidii uu xisbigu guul uga soo hoyn lahaa doorashooyinka dalka kusoo foolka leh ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, siina laban laabaan  xamaasaddii iyo isku-duubnidii lagu yaqaannay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna  guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn waxa uu bogaadiyey guddidii qaban-qaabada shirweynaha KULMIYE, Ergada shirka isugu timi, shir-guddoonka shirweynaha, marti-sharaftii shirka kasoo qayb-gashay iyo guud ahaanba bahweynta xisbiga KULMIYE ee kala jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kalehambalyeeyey, taageerana u muujiyey shirarka nabadeed ee kasoo bilaabmay  Shidan oo katirsan gobolka Sanaag iyo Adhi-caddeeye oo katirsan gobolka Sool, waxana uu odayaasha, waxgaradka, waayeelka iyo cidkasta nabadda dedaal gelisayba ku adkeeyey inay sii wadaan dedaalkooda midhaha manfaca leh soo saaray, isaga oo caddeeyey inay xukuumad ahaan taageero dhinac kasta leh la garab taagan yihiin shirarkaas nabadda lagu xoojinayo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka u caddeeyey sida ay uga go’an tahay in laga gudbo caqabad kasta oo dhinaca doorashada ah, isaga oo tallaabada ay golaha guurtidu ku ansixiyeen xeerka doorashooyinkana ku tilmaamay tallaabo loogu dhawaanayo doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana uu yidhi, “Waxa war fiican ah in golaha guurtidu uu ansixiyey oo isku raacay xeerkii Doorashooyinka, kaas oo Berri wixii ka dambeeyana dhaqan-gal ah, halkaasna waxa inoogu dhammaatay  murankii siyaasadda, wixii inoo hadhayna waa farsamo iyo dhaqaale ah ee inoo hadhayna qarankay u taallaa.”

Madaxweynuhu waxa uu baaq garnaqsi iyo hogo-tusaalayn ah u diray beesha caalamka ee ka caga-jiidaysa horumarka iyo dawladnimada  Jamhuuriyadda Somaliland ka hana qaadday, isaga oo gef ku tilmaamay tallaabada beesha caalamku ku hagratay Somaliland iyo dawladnimadeeda, “Somaliland iyo shirweynaha KULMIYE, waxa ay bulshada caalamka u dirayaan oo aannu leenahay bulshada Somaliland aad bay uga xun tahay, mana garowsana, 30-sannadood oo ay dalkooda dhisayeen oo ay nabad kusoo celiyeen oo ay  horumar dhaqaale, mid aqooneed iyo mid dhinac walba ah sameeyeen oo ay doorashooyin Dimuqraaddi ah oo xil isku wareejin ah sameeyeen oo xisbiyo tartamaya sameeyeen, khilaafkooda oo aanay cidina soo dhexgelina dhammaysteen, waxannu leenahay  in indhaha laga qabsado oo aqoonsiga lagala maago waxanu leenahay ma qabato Somaliland Somaliland,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland