Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Xidhay Wejiga Koowaad Ee Barnaamujka Shaqo Qaran DAAWO
May 27, 2019 - Written by admin
Hargaysa (Hayaannews): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamijka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo saddex bilood ah ka socday degaanka Darar-weyne ee dhinaca waqooyi Bari kaga beegan caasimadda Hargaysa.
Munaasibadda uu madaxweynuhu ku soo
xidhay barnaamijka shaqo qaran, waxa ka qaybgalay xubno ka mid ah golaha
wasiirrada, taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, qaar ka mid ah
madaxda hay’adaha madaxa bannaan ee qaranka.
Waxaana madasha laga jeediyey
hadallo salka ku haya guulaha uu barnaamujkani u soo kordhiyey qaranka,
dhiirigelinta dhallinyarada iyo sida uu wax uga taray isdhexgalka iyo is
fahanka bulshada.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo
khudbad ka jeediyay xidhitaanka wejiga labaad ee Barnaamijka shaqo qaran, ayaa
ammaanay mashruucan.
Isagoo taxay ujeeddooyinka
iyo natiijooyinka laga doonayo barnaamujka qaran ee shaqo qaran. Waxaanu yidhi
“Shaqo qaran waa xarunta aynu doonaynno inuu caqliga Somaliland ka shaqeeyo oo
uu hore u mariyo, shaqo qaran waxa aynnu ka rabnaa inay dadku noqdaan qaar If
iyo Aakhira-ba wax taransada.
Shaqo qaran waxaynu doonaynaa
inay dadku ka helaan waajibka uu qaranku ku leeyahay, isagana uu qaranku ka
helo xuquuqda qaranku ka rabo, ujeeddada aynnu shaqo qaran u Aas-aasnayna waa
tabobar maskaxeed iyo mid jidheed.”
Madaxweynuhu isagoo hadalkiisa sii
wata waxa uu xusay in baraanujka shaqo qaran ay kasoo aflaxeen guutooyin da’yar
oo xooggoodu dihin yahay, kuwaas oo ay ka go’an tahay inay dalkooda
horumariyaan,
“Waxaan cod dheer cid walba ugu sheegayaa
inay Barnaamujka shaqo qaran maanta u dareereen iyaga oo guutooyin xoog leh
sidii ay dalkooda hore ugu marin lahaayeen ee ay mutadawacnimo ugu shaqayn
lahaayeen, gobollada oo dhan, cadowgu haka naxo Somaliland-na haku faraxdo”
ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Geesta kale agaasimaha guud ee
Barnaamujka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addinka), oo madasha hadal
ka jeediyey hadal dhinacyo badan leh, ayaa ugu horrayn madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqay ku dhiirrashada iyo ka midho-dhalinta
barnaamujka lagu carbinayo dhallinyarada ee shaqo qaran.
Waxaanu hoosta ka xarriiqay
inay tallaabadasaasi tahay mid hirgashay guul wax ku ool ahna laga gaadhay,
taasoo tusaale fiican u ah in horumar kastoo gacmaha la isu qabsado laga midho
dhalinkaro.
Sidoo kale-na ku dheeraaday
Agaasimuhu guulaha uu barnaamujkani gaadhay iyo faa’iidooyinka uu u keenay
bulshada reer Somaliland iyo da’yarta carbiska ku jirteyba.
Waxaanu arrimahaas ka
hadlayayna uu yidhi “Waxaan si kalsooni ku jirto halkan uga sheegayaa in
muddadii barnaamijka shaqo qaran socday si mug leh loo gaadhay himilooyinkii la
higsanayay oo ay ugu mudnaayeen is-dhexgalka.