Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti ka Socda Shirkada GULHAN LTD. DEARSAN.Co
May 14, 2019 - Written by admin
Hargeysa
(Hayaannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi
Cabdi,ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda shirkada GULHAN
LTD. DEARSAN.Co oo laga leeyahay dalka Turkiga.
Madaxweynaha
qaranka,ayaa xafiiskiisa ku qaabilay weftiga ka socda shirkadda GULHAN LTD.
DEARSAN oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guud ee shirkaddaas Mr. Aziz Yildirim oo
safar shaqo ku yimi Somaliland
Madaxweynaha
Somaliland,ayaa uga mahad naqay shirkadda GULHAN LTD. DEARSAN in ay Somaliland
yimaadaan oo ay ku dhiiradaan in ay Somaliland maalgashi ku sameeyaan.
Waxaanu
uga xog warramay sida ay Somaliland u tahay dal dihin oo ku habboon in la
maalgashado.
Kulankaa
waxa kale oo ka qayb galay isla markaana soo bandhigay sida ay diyaarka ugu
yihiin in ay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee shirkaddu soo bandhigtay
wasiirada Gaadiidka iyo horumarinta jidadka,Ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska,Beeraha
iyo Xannaanada Xoolaha iyo kalluumaysiga.
Kulankaa
ka dib war-saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyad Somaliland oo lagu faah
faahiyay kulankaa ayaa u dhignaa sidan.
“Madaxweynaha
Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay shirkada GULHAN LTD.
DEARSAN.Co, oo laga leeyahay dalka Turkiga
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta(Shalay)
xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay shirkada GULHAN LTD. DEARSAN.Co, oo
laga leeyahay dalka Turkiga oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha shirkadaasi Mr.
Aziz Yildirim oo safar shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.
Masuuliyiinta
Shirkadan Turkiga ah ee madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa ujeedada ay u
yimaadeen Somaliland ay tahay in ay danaynayaan fursadaha maalgashi ee ka jira
dalka, iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen mashaariicda maalgashi ee ka
hirgelay Somaliland, gaar ahaan maalgelinta, kalluunka, macdanta, wershedaha,
beeraha iyo tayaynta waddooyinka waxayna sheegeen inay ku qanceen dedaalka iyo
horumarka Jamhuuriyadda Somaliland samaysay iyo maalgashiyada waaweyn ee
waayadan dambe ka hanaqaaday dalka.
Iyagoo
taa ka duulayana ay doorbideen inay dalka Somaliland ka fuliyaan maalgashi,
isla markaana tusaale u noqdaan shirkadaha iyo maalgashadayaasha waddanka
Turkiga si ay qayb uga noqdaan maalgashiga dihin ee Jamhuuryadda Somaliland ku
duugan.
Waxaa kale oo kulankaa wasiirrada wasaaradaha, Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska, macdanta iyo tamarta, gaadiidka iyo horumarinta jidadka, horumarinta maalgashiga, horumarinta beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, ayaa kulanka ku soo bandhigay qorsheyaasha maalgashi iyo siday diyaarka ugu yihiin inay ka faa’iideeyeen fursadaha noocan oo kale ah.
Ugu
danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey masuuliyiinta shirkadaas
imaatinkooda Somaliland iyo inay xogogaal u noqdaan horumarka ganacsi iyo
dhaqaale ee ka jira waddanka, isagoo xusay in ay xukuumadda iyo shacbigaba ka
go’an tahay soo dhawaynta cidkasta oo khayraadka dihin ee dalka ku duugan
maalgashi ku samaynaysa.”