Madaxweynaha Uganda Oo Xadhiga Ka Jaray Wershad Weyn Oo Soo Saari Doonta Sonkorta

Yuganda(Hayaannews): Madaxweynaha Uganda Yuweri Musafeni ayaa xadhiga ka jaray Wershad weyn oo Sonkorta soo saari doonta taas oo Aamina  Mooge, ka hirgelisay gudaha waddankaasi.

Drs. Aamina Xirsi Mooge oo ah gabadh Soomaaliyeed , ayaa dalka Uganda iyo dalalka kale ee deriska la ah ka hirgelisay maalgashiyo kala duwan ,  waxayna ku guuleystay inay Ugandha markaan ka hirgeliso warshadda ugu weyn Afrika ee soo saarta Sonkorta, oo lagu magacaabo Atiak, taadoo horumar iyo dhaqaale kusoo kordhin doonta gobolka Geeska iyo Afrikaba.

Haweeneydaan ayaa si weyn looga tixgeliyaa dalka Uganda oo saameyn xoogan ay ku dhex leedahay, iyadoo dhaqaalaha wadanka soo gala ay ka tilmaaman tahay , waxaana xusid mudan in ay  horena uga hirgalisay dalkaasi warshad soo saarta sibidhka iyo qalabka dhismaha.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland