MadaxweynayaashaSomaliland,DDS Iyo Masuul ka socday Imaaraadka Oo Dhagax-dhigay Jidka Isku Xidhaya Berbera iyo Wajaale Ee (Berbera Corridor)

Hargeysa(Hayaannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo Masuul ka socday Imaaraadka Carabta ayaa shalay dhagax-dhigay jidka isku xidhi doona magaalooyinka Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor) oo dhismihiisu dhawaan bilaabi doono.

Dhagax-dhigga mashruuca weyn ee Berbera Corridor oo munaasibad ballaadhan loogu qabtay duleedka Bari ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, Ku-xigeenka madaxa Abu dhabi Fund for Development Khaliifa Al Qubaisi, safiirrada dalalka Itoobiya iyo Jabuuti u jooga Somaliland, wufuud ka socda dalal kala duwan oo dunida ah, hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne-ku-xigeenno hore oo Somaliland soo maray, wasiirro iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu dhismaha jidkani u leeyahay guud ahaan geeska Afrika iyo sida uu kor ugu qaadi doono ganacsiga iskaga kala gooshaya dalalka Itoobiya.

Guddoomiye-ku-xigeenka shirkadda Abu Dhabi Fund for Development Khaliifa Al Qubaisi oo ah shirkadda ku guulaysatay dhismaha jidka Berbera Corridor oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ku dheeraaday faa’iidada uu jidkani u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Itoobiya, waxana uu hoosta ka xarriiqay in jidkaas iyo mashaariic waaweyn oo ku lammaani sii kordhin doonaan istaraatiijiyadda ganacsiyeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa shaaciyey in mashruuca weyn ee Berbera Corridor uu ka kooban yahay mashaariic horumarineed dhaqaalaha dalka iyo isu socodka bulshadaba faa’iido badan u leh, isla markaana ay mashruucan ku bixi doonto lacag dhan $111,000,000, (Boqol iyo kow toban milyan oo dollar), loona qorsheeyey inuu si rasmi ah u bilaabmo 15-ka bisha saddexaad (March) ee isla sannadkan 2019-ka.

Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxay faa’iidada ku jirta jidka Berbera Corridor, waxana uu xusay inuu kor u qaaadi doono isdhexgalkii dhaqaale iyo midkii bulsheed ee u dhexeeyey dalalka Somaliland iyo Itoobiya, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Jidkani waxa uu noqonayaa mid sii xoojiya, is-kaashigii taariikhiga ahaa ee dhinaca ganacsiga ee soo jireenka ahaa, waxana aannu rajaynaynaa inay korodho isdhexgalka dhaqaale marka uu mashruucani dhammaado.”

Madaxweynuhu waxa uu Somaliland ku ammaanay kaalinta ay kaga jirto iskaashiga dhinaca ammaanka iyo deggenaanshaha gobolka geeska Afrika, isaga oo bulshada iyo xukuumadda Somaliland-ba ku bogaadiyey inay sii kordhiyaan dedaalka ay ugu jiraan sidii ay Somaliland u soo jiidan lahayd bulshada caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka jeediyey hadal dheer oo salka ku haya muhiimadda uu jidka Berbera Corridor u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland, Itoobiya iyo guud ahaanba dalalka geeska Afrika, ayaa shaaca ka qaaday inuu mashruucani kaalin weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha gobolka iyo midka Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dib-u-dhiska jidkani waxa uu ka labaad ka yahay mashaariicda maalgelinta kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland oo uu ka koobaad yahay ballaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera, taas oo hawsheedu si fiican u socoto. Labada mashruuc marka lagu daro suuqa xorta ah (Berbera free zone) iyo garoonka madaniga ah ee Berbera, waxa ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan horumarinta shaqaalaha gobolka, kor u qaadidda isku xidhka gobolka iyo nolosha Somaliland.”

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in degenaanshaha iyo Dimuqraaddiyadda ka hirgashay Somaliland ay horseedday in laga maalgeliyo mashruucan miisanka badan, islamarkaana ay Berbera kaalin muhiim ah ka ciyaari doonto tartarka ka dhexeeya dekedaha geeska Afrika, “Maalgelinta jidkani waxa uu ku yimi deggenaanshaha dalka Somaliland, Dimuqraaddiyadda ka hirgashay iyo isku duubnaanta dadka Somaliland, taas oo marka aynnu sii xoojinnoba dhaqaalaheenu sii korayo, dalalka caalamkuna ina aaminayaan, ictiraafka aynnu doonaynaana ku imanayo, jidkanina waxa uu sii xoojin doonaa inuu kor u qaado istaraatiijiyadda dhaqaale ee magaalada Berbera ee dabiiciga ah, ballaadhinta dhismaha Berbera Corridor mustaqbalka iyo inay Berbera qayb weyn ka qaadato tartanka ka dhexeeya dekedaha Geeska Afrika, waxana uu hoos u dhigayaa shaqo la’aanta dhallinyarada, marka uu baayac-mushtarku soo kordhoba waxa hoos u dhacaysa shaqo yaraanta, waxana kordhaysa mugga ganacsiga, qalabka iyo allaabta ganacsiga ee u kala gudbaysa labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay Somaliland ka go’an tahay sidii ay usoo dhaweyn lahayd dalalka deriska iyo kuwa kale ee saaxiibka la ah Somaliland, isla markaana ay soo dhawenayso cidkasta oo diyaar u ah isticmaalka dekedda Berbera iyo goobaha kale ee Somaliland ku yaalla ee muhiimka ah.

Mashruuca Berbera Corridor, ayaa ka kooban jid dhererkiisu dhan yahay 250KM, dhismaha Toddoba Buundo (Brigdes), dhisaha iyo casriyeynta madaar loogu talo galay diyaaradaha shacabka iyo mashaariic kale oo tiro badan, waxana uu socon doonaa muddo ka yar laba sanno, sida uu qorshuhu yahay.

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa,Somaliland