Madaxweyne Biixi Oo Amray In La Joojiyo Baabuurta Vits Iyo Madaxweynaha Tanzania Oo Wasiiradiisa Ku Amray Inay Isticmaalaan Baabuurtan Ay Somaliland Mamnuucayso


Hargeysa(Hayaannews)-Golaha wasiirada Somaliland ayaa go’aamiyay in la joojiyo gaadiidka Vitz loo yaqaan ee yaryar oo ay wasiiradu ku tilmaameen gaadiid aan manfac u lahayn bulshada.

Shirkii golaha wasiirada ee khamiistii oo uu guddoominayay Madaxweyne Biixi, ayaa waxay goluhu ku go’aamiyeen in la joojiyo soo dejinta baabuurtaas yaryar ee Vitz loo yaqaano, waxaana wasaaradda gaadiidka uu goluhu u xilsaaray hirgelinta go’aankaas.

Gaadiidkan yar yare e Vitz loo yaqaano ayaa muddooyinkan dambe dalka aad ugu soo badanaya, waxaana inta badan ku shaqaysta dhallinyarada oo ugu adeega shacabka magaalada gudaheeda ugu kala goosha. Baabuurtan ayaa shidaalka ay isticmaalaan uu aad u yaryahay, waxaana masaariif fiican ka hela dhallinyaro badan.

Go’aankan ay golaha wasiiradu gaadheen ayaa waxa aad uga horyimid rayul caamka, oo baraha bulshada kaga falceliyay go’aankaas, iyagoo ku tilmaamay go’aan khaldan.

Inkastoo ay golaha wasiiradu baabuurtaas Vits loo yaqaano ku tilmaameen kuwo aan bulshada manfac u lahayn, haddana rayul caamka ayaa taas kaga jawaabay in baabuurtan yaryari manfac badan u leeyihiin bulshada.  Madaxweynaha iyo golihiisa wasiirada ayaa  isticmaala baabuurta qaaliga ah ee shidaalka badan isticmaala ee loo yaqaano V8, baabuurtan ayuu shacabku ku tilmaamay kuwo bilaa manfac ah.

Tanzania

Madaxweynaha Tanzania John Magufuli ayaa markii uu sannadkii 2015 talada dalkaas qabtay, wuxuu mamnuucay in golihiisa wasiirada iyo madaxda sare ee dalkaasi ay isticmaalaan baabuurta qaaliga ah ee raaxada oo shidaal badan isticmaala, taas bedelkeedna wuxuu amar ku bixiyay in golihiisa wasiirada iyo madaxda kale ee dalka Tanzania isticmaalaan baabuurta shidaala yar isticmaala ee ay ka mid yihiin Vitz, Probox, Platz iyo Passo, oo ah kuwa uu Madaxweyne Biixi soo dejintooda imika mamnuucay ee uu ku tilmaamay kuwo aan shacabka faa’iido u lahayn.

Madaxweyne Magufuli, ayaa wuxuu dhammaan wasiirada, guddoomiyaha maxkamadda sare, safiirada iyo madaxda sare ee dalkaas amray inay baabuurtaas yaryar isticmaalaan. Madaxweyne Magufuli oo arrintan ka hadlayaa wuxuu yidhi, “Waxani waa hanti umadeed, qof kasta oo halkan u yimaada inuu ka taajiraa waa inuu iska tagaa oo uu ku biiraa ganacsiga gaarka loo leeyahay. Dhammaan wasiirada iyo madaxda kale ee dalku waxay shaqada u joogaan inay dalka wax u qabtaan ee looma iman ku tagri fal, ma doonayo inaan arko iyagoo kaxaysanaya baabuurtaas qaaliga ah, ciddii ku adkaysataana waa inay iyadu iibsataa baabuur ay leedahay.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Tanzania oo dhawaan markii labaad talada dalkaas loo doortay, waxaanu intaas raaciyay, “Si aan dalkan u dhisno, waxaan wakhtigii ololaha idinkula balamay waa inaynu dalkeena wax gashanaa, waxyaabahaasna waxa ka mid ah inaan iska dayno baabuurta aan daruuriga ahayn ee raaxada oo aynu isticmaalnaa kuwa yaryar. Waxaan Booliska ku amray inay kala wareegaan xubnaha baabuurtan qaaliga ah wata ee dawladda ka tirsan, jidadka lagu qabtaa oo sharciga la mariyaa.”

Gunaanad

Inkastoo uu rayul caamku si adag uga horyimid go’aanka golaha wasiirada Madaxweyne Biixi ee joojinta baabuurta yaryar ee Vits iyo sii isticmaalka baabuurta waaweyn ee raaxada ee golaha xukuumada, haddana lama garanayo in Madaxweyne Biixi ka noqon doono go’aankaas oo uu dhagaysan doono rayul caamka shacabkiisa iyo inuu dhegaha ka furaysan doono baaqyada dadweynaha oo uu fulin doono go’aankaas.

Geeska Africa

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com