Wareegtadaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxa Madaxweynuhu xilalkii ka qaaday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Daad-madheedh Axmed Diiriye Cabdilaahi iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Daad-madheedh Maxamed Cabdillaahi Cilmi (Xujaale.
Waxaanay wareegtadaas xilka qaadista ah uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku yidhi “Mudanayaal,Sida aad la socotaan, xilka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejin doontaan Masuuliyiinta cusub ee aan u soo magacaabay xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh.”
Geesta kalena waxa Madaxweynaha JSL,uu ku magacaabay Guddoommiyaha iyo Guddomiye ku xigeenka cusub ee gobolka Daad-madheedh, waxaanay u qornayd sidan:-