Madaxweyne farmaajo Oo Heshiis La Galay Madaxweynaha Eritrea


Eritrea(Hayaannews): Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea Isaias Afwerki iyo Mohammed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wadahadal balaaran ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada.

Madaxda ayaa diirada saarey xoojinta qaab dhismeedka iskaashiga Ereteriya iyo Soomaaliya & xoojinta Soomaaliya xoog leh islamarkaana madax banaan.

Labada hoggaamiye waxay ku heshiiyeen in la cusbooneysiiyo Heshiiskii Asmara ee 2018 oo qeexayay muhiimadda ay leedahaay Madax banaanidda dhuleed, siyaasadeed iyo midnimadda Soomaaliya.

Labada hoggaamiye waxay kaloo ku heshiiyeen in dib loo laba jibaaro dadaallada socda ee loogu jiro isdhexgalka gobolka iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Saddex-geesoodka ahaa ee ay  kala saxiixdeen Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Wadahadalka labada dhinac ayaa sii socon doona illaa maanta galinka hore, waxaana la filayaa in madaxweynuhu galabta kasoo duulo dalkaas.

Hayaannews/Office

Hargeysa