HAYAANNEWS.NET
Madaxweyne Geelle Oo Ka Cabsi Qaba In Kacdoon Shacbi Xukunka Lagaga Tuuro Iyo Dalal Uu Ku Eedeeyey Inay Dabada Ka Riixayaan
April 25, 2019 - Written by editor editor
Jabuuti(Hayaannews) Madaxweynaha dalka Jabuuti, Md Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka casbi in qaba kacdoon shacab kursiga uu muddada dheer ku fadhiyey lagaga tuuro, waxaanu sheegay in isaga illaahay ka bad-baadiyey waxa ku dhacay Madaxweynayaashi dalal ka mid ah Qaaradan Afrika muddo dheer ka talinayey keligood. Waxa uu xusay in la doonayo in la mariyo dhabihii ay mareen saaxiibadiisa Al-bashiir, Qadaafi, Xusni, Mubaarik iyo kuwa kale, waxaanu ugu baaqay shacbiga reer Jabuuti in haddii ay arrintaas ka feejignaan waayaan uu dalku halis gelayo.
Madaxweyne Geelle ayaa
sheegay in kooxo aan dalka joogin iyo dalal shisheeye ay ku hawlan yihiin
dhaq-dhaqaayo la mid ah kuwii galaaftay saaxiibkiisa Sudan Al-bashiir oo ay ka
wadaan Jabuuti, isla markaana la rabo in
dalka Jabuuti uu ka istaadhmo dagaal sokeeye iyo qalaasi siyaasadeed
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa
hadalkiisu u dhignaa “ Nebigeenii wuxuu yidhi “CSW” fidna wey hurudaa nacladii
illaahay ayaa ku degta ninkii kiciya , fidnad ayaa wadankeena lasoo gelinayaa
kolba si ayaa lagu dayayaa waxa loo jeedaana waa in wadanka qas la geliyo, waxa
loo jeedaa in aan galno meel dad kale galeen oo annagana illaahay naga
bad-baadiyey xoogbay ku dayayaan dilbay doonayaa mashaakil noqonaya dagaal
sokeeye ayey doonayaan , haddii dadkeenu uu ka feejignaan waayana halis ayuu
wadanka oo dhani geli doonaa .”
Isagoo hadalkiisa sii wata
Madaxweyne Geelle waxa uu intaasi ku
daray “Annagu waxaanu leenahay Dowladu dadka oo dhan ayey Dowlad u tahay ay
ilaalin u tahay, ay wax siin u tahay, ay is barbar joog u tahay , cid ay cid
kale uga dhaafi kartaayi ma jirto , haddii qabiil la dayona qabiil qudhaata
ayaanu nahay calan midaata ayaan wadaagnaa diin mid ah ayaanu wadaagnaa ,
walaal-nimadu waa in la abuuro oo la dhaqo weeye.”
Geesta kale Madaxweyne
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in aanu dalka iyo dadka wax u tarayn nin
siyaasi ah oo doonaya inuu kursiga ku gaadho dhiig “Nin Siyaasi ah oo dhiiga
dadka inta uu dul socdo leh waxaan ku gaadhayaa madax-nimada wuxuu ummada u
tarayaa majiro dalkana wax-ba uma tarayo qasmooyaane .”
Dhanka kalena Madaxweyne
Geelle ayaa si dadban u sheegay in dad reer Jabuuti ah oo aan dalka joogin iyo
wadamo kale ay wadaan qorshahan, kuwaas oo uu sheegay inuu diiday amaradoodii
ay farayeen, isla markaana ay duulaan ku soo qaadeen “Waxa aan annigu
afkaygaasi aan ka dhawrayo dadka fidnada soo abaabulayaa halkan lanama joogaan
, meel kale ayey joogaan , kuwaasina kuwa kale ayaa ka dambeeya , waxa ay
doonayaan waxa weeyaan in aan horumarkeena joojino, dadka aan xidhiidh
wanaagsan oo walaal-nimo ah aan la leenahay iyo wax-qabad inay na garab
mariyaan ayey doonayaan, halkaa maxaad u maraysaan ayaa nala leeyahay, maxaad
Dowlada ula shiraysaan ayaa nala leehay, maxaad taa usoo dhaweynaysaan ayaan
nala leeyahay, xor ayaanu nahay ayaan leenahay.”
Madaxweynaha Jabuuti ayaa ka
sakow duufaannada ah kacdoono shacab oo saameeyay dalalka dariska la ah ee
Itoobiya iyo Suudaan waxa dul hoganaya
danaha is diidan ee reer Galbeedka, Shiinaha iyo xulufada Carabta ee Imaaraadku
ka mid yahay kuwo ugu firfircoon. Reer Galbeedka oo Maraykanku ugu horeeyo ayaa
si weyn uga soo horjeeda galaangalka Geelle la samaystay Shiinaha, Imaaraadka
iyo xulufadiisa ayaa ka soo horjeeda Geelle kadib eryiddii Dp World waxaana
jira dad mucaarad ku ah oo reer Jabuuti waana arrimaha u muuqda in ay tushuush
ku fureen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo wakhti dheer ka talinayay
Jabuuti.
COMMENTS
|