“Madaxweyne Kalsoonida Aad Isiisay Waxaan Ugu Adeegi Shacabka” Danjire  Maxamed Cawad

Hargeysa(Hayaannews); Danjiraha cusub ee Somaliland u magacowday inuu Wakiil uga noqdo Itoobiya, Danjire Maxamed Cawad ayaa ka fal-celiyay xilkaasi loo magacaabay, kadib markii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi xilkii Wasiirnimo ee uu hayay uu ka qaaday.

Mudane Madaxwayne waan kaaga mahad naqayaa mudadii aan hayey xilka Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga, sharaf bay ii ahayd inaan ka mid noqdo golahaagii wasiiradda ee u horeeyey, Wasaaraddani waxa ay laf dhabar u tahay korriinka dhaqaale ee dalka kalsooni badana waan ku qabaa shaqaalaha joogaa inay garab istaagi doonaan wasiirka cusub.

Markale mudane Madaxwayne waxaan ka mahad naqayaa Ka mid ahaanshaha Golaha Wasiirradda runtii waxa ay ii ahayd fursad iyo khibrad aan ugu adeeggo shacabka.

Anigoo kaslooni ku qaba soo jeedintaada waxaan sidoo kale kaaga mahad naqayaa inaad ii magacawday xilka danjire /Safiir oo aan ku matali doono qarankeena caasimad lagu jaan-gooyo siyaasadda wadamada Africa (AU). mundane Madaxwayne kaalsoonidda aad i siisay Waa mid aan ugu adeegi doono qarankeena iyo siyaasadaada hogaamineed. Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga JSL Madaxtooyada JSL”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net  oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com