Madaxweyne Muuse Biixi iyo Dawladda Kenya Oo Ka Hadlay Cilaaqaadka Somaliland iyo Kenya

Nairobi(Hayaannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay kulankii uu maanta la yeeshay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo uu tilmaamay inay ka wada hadleen masaalixda ay wadaagaan labada dal.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu sidaas ku sheegay farriin kooban oo uu ku baahiyey galabta Bogiisa Twitterka oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, waxaanu sheegay inay Madaxweynaha Kenya wada falan-qeeyeen sidii  qoddobo ku wajahan danaha ay wadaagaan labada dhinac.

Madaxweyne Biixi waxa kaloo uu uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen Weftigiisa socdaalka shaqo ku jooga Nairobi.

Geesta kalena, Wasaarradda Arrimaha Dibadda Kenya, ayaa sheegtay  Booqashada Madaxweynaha Somaliland ku joogo dalkeeda ay tahay mid la mid ah tii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku tagay Kenya sannadkii 2006dii.

Wasaaradda Khaarajiga ee Kenya waxa ay intaas ku dartay in  Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay bahwadaag muhiim ah oo ku taalla gobolka Geeska Afrika oo ay ka wada shaqeeyaan la-dagaalanka Argagixisada.

#Hayaannews_Somaliland

Hargeisa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com