Madaxweyne Muuse Biixi Oo Caddeeyay Inaanu Mar Danbe Isu-soo Taagi Doonin Guddoomiyaha KULMIYE DAAWASHO WACAN.
October 5, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews):-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa caddeeyay in aanu mar danbe
isu-soo taagi doonin guddoomiyenimada xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE.
Madaxweyne Biixi waxaa uu sheegay
in isaga oo aan tartameyn oo odayaasha xisbiga ka mida uu ka soo qayb geli
doono shirarka danbe xisbiga KULMIYE.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi; “Waxaan doonayaa in aan
caddeeyo sida ay dhigayaan Xeer14 iyo xeerka Xisbigu labadii goor ee la ii
dooran lahaa Guddoomiyenimada KULMIYE labadiiba waan isu taagay, waana la ii
doortay, waxa hubaal ah doorashada dambe haddii ALLE caafimaad innagu
gaadhsiiyo anigoo oday ka ah oo aan tartan ku jirim in aan xisbiga ka mid noqon
doono.”