Madaxweyne Somaliland Oo Kulamo La Qaatay Wufuudii Dibadda Uga Yimid Xuskii 18-ka May

Hargaysa (Hayaannews): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilnad Muuse Biixi Cabdi, ayaa doraad xafiiskiisa kulamo kula yeeshay wufuud kala duwan oo isugu jira xildhibaanno, wasiirro iyo diblomaasiyiin kala duwan.

 Kuwaasoo ka qayb-galay munaasibadda 18-ka May ee 28-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay. Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu kulan gaar ah la qaatay wufuud ka kala socotay dalalka Kiiniya, Yugaandha iyo dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, oo ka mid ahaa wufuudii ka soo qayb-galay munaasibadii Dabbaal-degga 18-ka May.

 Wuxuuna uga mahadnaqay ka soo qayb-galkooda munaasibadii 18 May, isagoo ku bogaadiyay inay xil weyn iska saareen sidii ay shacabka Somaliland ugala qaybgeli lahaayeen maalinta farxaddooda.

Xubnaha weftiga ka socda dalka Yugaandha, Kiiniya iyo Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhinacooda madaxweynaha soo gaadhsiiyay dhambaallo salaan iyo hambalyooyin ah oo ay shacabka Somaliland uga sidaan masuuliyiinta dalalkooda, kuwaasoo uu madaxweynuhu-na si kal iyo laab ah uga gudoomay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale xubnaha weftiga u sheegay inay Somaliland dunida inteeda kale la leedahay xidhiidh wanaagsan oo diblomaasiyad, saaxiibtinimo iyo is fahan ku dhisan, kaasoo midhihiisa ay ka mid yihiin wufuudda ay dalalka kala duwani u soo direen ka qaybgalka dabbaal-degga maalinta qaran ee 18-ka May.

 Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu u mahadnaqay dhammaan wufuudii ka socday dalalka kale ee munaasibada ka soo qayb-galay iyo wadamadii Somaliland ku soo hambalyeeyey maalintaa qaran ee 18 May.

Wufuudda kala duwan ee ka kala socota dalalka caalamka ee uu madaxweynuhu la kulmay, ayaa dhankooda caddeeyey in imaanshiyahoodu marag u yahay sida ay beesha caalamku ugu kalsoon tahay Dimuqraaddiyada iyo dawladnimada ka hana qaadday Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay madaxweynaha ku bogaadiyeen dedaalka uu ugu jiro inuu dhiso xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dunida inteeda kale, horumarka iyo wada jirka shacbi weynaha Somaliland gaadheen.