Madaxweynihii Hore Ee Dawlad Deegaanka Soomaalidda Oo Markale Maxkamad La Horkeenay

Jig-jiga (Hayaannews)-Madaxweynihii hore Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Madamuud Cumar ayaa maanta la hor keenay Maxkamada qaadaysa dacwada loo hasto.

Madaxweynihii hore ee Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo muddo ka badan hal sanno ku jira Xabsiga ku yaala Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiaya,ayaa Maanta markale ka soo hor muuqday Maxkamadda qaadaysa dacwadiisa oo loo haysto dambiyo uu galay intii uu joogay xilka Madaxweynaha.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa iska diiday eedaha loo soo jeediyey, wuxuuna sheegay in uu fulinayo amaro uga imaanayay saraakiisha ka sareysa, oo uu ula jeeday Madaxda dawladda Itoobiya.

Dacwad Oogayaasha ayaa ku eedeeyey Madaxweynihii hore iyo qaar kamid ah saaxibadiis in ay ka dambeeyeen falal ka dhan ah Xaquuqda Aadanaha, Dambiyo dagaal iyo leyn loo geystay dad kala duwan.

Xeer ilaaliyaasha Dawladda Itoobiya ayaa sheegay in ay hayaan cadeymo muujinaya Cabdi Ilay oo geysanaya dambiyo ay ka mid yihiin dil iyo falal ka baxsan Xeerarka Caalamiga ah oo loo geynaysanayo qaar kamid ah Maxaabiista Siyaasadeed.

Sidaa oo kale,waxay sheegeen in uu lahaa amarka dhacdo dad lagu dilay oo ka dhacday Deegaanka Soomaalida 4tii bishii August ee Sannadkii la soo dhaafay,isla markaasna ay hayaan cadeymo ku filan oo ay tahay in ay qaado Maxkamaddu.

Madaxweynihii hore wuxuu beeniyey in uu leeyahay wax dambi ah, isagoo sheegay in dambiyada lagu soo oogay uusan waxba ka ogeyn oo dadkii geystay loo raacdo, wuxuu kaloo sheegay in aysan taageerayaashu qaadan amar uu isagu siiyey.

Cabdi Ilay Hay’addaha Xaquuqda Aadamaha ayaa soo dhaweeyey maxkamadiisa,waxayna sheegeen in ay hayaan cadeymo kasta oo ku filan dacwadiisa,oo ay doonayaan in la horkeeno Cadaaladda oo la mariyo.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland