Markabkii Ugu Weyna Ee Itoobiya Leedahay Oo Ku Soo xidhay Marsada Berbera Iyo Weftiga Ka Yimi Ethiopia.DAAWASHO-WACAN.

Berbera(Hayaannews ):- Markabkii ugu weynaa ee laga leeyahay dalka Itoobiya, ayaa shalay ku soo xidhay Marsada Caalamiga ah ee Berbera.

Masuulliyiin ka socda Shirkadda Ethiopian Shipping Logistics Service oo soo gaadhay Somaliland ayaa kulanno la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim, iyo Maareeyaha Guud ee Shirkadaha LAAS- GROUP Ahmed Osmaan Geelle.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid, oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaa halkan inala jooga marti inooga timi Itoobiya oo uu ka mid yahay Guddoomiye xigeenka Ethiopian Shipping Logistics Service, waxaanay halka nala joogeen maal–mihii la soo dhaafay, waxaanay inoo faahfaahin doonaan waxyaabaha ay shirkadoodu ka shaqayso iyo sida ay inoola shaqaynayaan mustaqbalka dhow.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland.

Guddoomiye Xigeenka Ethiopian Shipping Logistics Service, Siraaj Cabdalla oo isna halkaas ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay adeegyada ay shirkaddu qabato.

“Waxaa la aas aasay shirkaddan 1964kii, xilligaas oo waddamo badan oo Afrika ahi ka xoroobeen guumaystihii, waxaanay xiligaas wadamo badani bilaabeen inay kobciyaan dhaqaalahooda oo samaystaan shirkado maraakiibeed, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Ghana, Sudan, South Afrika iyo Masar, dhammaantood way iibiyeen shirkadahoodii, halka Itoobiya Shiping ay sii shaqaynaysay muddo laga joogo 54 sano. Waxaannu leenahay maraakiib shirkadda qaranku gaar u leedahay, qaar aan soo kiraysano iyo qaar aan heshiisyo kula jirno”.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com