Marwo Suhuur Xasan Abiib Oo Hambalyaysay Shacabka Reer Somaliland Munaasibada Ciidal Fidriga Awgeed, Kana Hadashay Arrimo Kale.

“Taqaba laahu Minaa Wa minkum Saalixal- Acmaal…. Waxaan leeyahay shacbigu ha u midoobaan adkaynta nabad-gelyada iyo dhismaha Qaranka Somaliland” Marwo Suhuur Hassan Abiib.

Hargeysa(#Hayaannews): Marwo #Suhuur_Xasan_Abiib oo ka mida ganacsatada reer Somaliland ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diraysa shacbiga Somaliland “Meel kasta oo ay joogaan gudo iyo debedba”,iyo guud ahaanba Shucuubta Islaamka, munaasibadda Ciida Barakaysan ee Ciidal Fidriga  awgeed oo maanta khamiisa si weyn looga ciiday guud ahaan dunidda Muslimiinta.

Ganacsato Suhuur Xasan Abiib, iyada oo shacbiga la wadaagtay farxadda ciidda waxay  ILAAHAY ka bariday inuu inaga yeelo inta uu ka Aqbalo cibaadadii iyo soonkii aynu soo gudanay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, innagana uu naarta innagga xorreeyo.

“Aniga oo ku hadlaya Magacayga ka qoyskayga waxaan halkan ka bogaadinayaa Madaxweynaha Somaliland Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo guud ahaan Madaxda Somaliland Munaasibada Ciidal Fidriga Awgeed…. Bishan May Bilihii hore waxay ka duwan tahay waxa weeyaan oo ku kulmay Munaasibadii Ciidal Fidriga iyo xuska maalinta qaranimada Somaliland 18-ka May oo sannadkan 30-Jirsatay.”.Ayey tidhi Marwo Suhuur Xasan Abiib oo Khadka Telefoonka Ugu Waramaysay Weriye #Mustafe_Janaale

Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi“Waxaan ku talinayaa maadama uu weli jiro cudurkii Safmarka ee COVID 19 in Xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-Ka May inaan la isku soo bixin oo qof waliba gaarkiisa u xuso. Xuskan sannadkan ee 18-Ka May waxa uu xusaskii hore kaga duwan yahay waxa weeyaan wuu 30-Jirsaday, markaa waa in la weyneeyaan oo uu ka duwanadaa Xususkii hore…” #Hayaannews.

Waxaanay shacbiga Somaliland u rajeysay inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan bash-bash, Barwaaqo, Nabad-gelyo iyo qarannimo lagu reeyo.

Ganasato Suhuur Xasan Abiib waxay War-saxafadeedkeedan ugu duceeysay inta dhibaataysan ee caafimaad darro awgeed aan awoodi karaynin inay farxada inala Ciidaan waxaanay ILAAHAY uga beriday inuu ka dulqaado xanuunka, caafimaad taamana ugu badalo.

Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi“Waxa ugu baaqayaa shacbiga inay dhammaan isa-saamaxaan, una midoobaan adkaynta nabad-galyada iyo dhismaha QARANKA SOMALILAND”

CIID MUBAARAK … CIID MUBAARAK ….. CIID MUBAARAK “KULLU CAAM WA-ANTUM BIL KHAYR”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com