Masuul Ka Tirsan Qaramada Midoobay Oo Golaha Ammaanka Hortiisa Uga Sacabo Tumay Qodob Ku Jiray Khudbadii Madaxweyne Biixi Ee 18 May

Hargeysa(Geeska)-Ku-xigeenka madaxa xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, danjire Raisedon Zenenga ayaa u sacabo tumay qodob ku jiray khudbadii Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi uu ka jeediyay xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May.

Madaxweyne Biixi ayaa khudbadii uu jeediyay habeenimadii 18 May wuxuu ku sheegay in Somaliland sii daynayso maxaabiis ay maamulka Puntland kaga qabatay dagaaladii kal hore ka dhacay Tukoraq, waxaanu dhinacooda ka dalbaday inay soo daayaan saddex maxbuus oo ay ka hayeen Somaliland.

Haddaba, hadalkaas Madaxweyne Biixi ayaa waxa khudbad uu u jeediyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay toddobaadkan ka soo dhaweeyay Ku-xigeenka madaxa xafiiska Qaramada Midoobey, danjire Raisedon Zenenga. Ergayga Qaramada Midoobay ayaa hadalkan ka sheegay kulan gaar ahaa oo golaha ammaanka qaramada Midoobay uu warbixin kaga dhagaystay.

Wuxuu danjire Zenenga sheegay in wada hadalada la isku mari waayay ee Somaliland iyo Soomaaliya ay saamayn ku yeesheen dib u eegista iyo dhammaystirka dastuurka ay dawladda Soomaaliya wado, “Hase yeeshee.” Ayuu yidhi ergaygu, “Waxa na dhiirigeliyay khudbadii uu Madaxweyne Muuse Biixi jeediyay 18 May ee uu ku cadeeyay sida uu diyaarka ugu yahay inuu Puntland kala shaqeeyo arrimaha nabadgelyada oo ay ku jiraan is dhaafsiga maxaabiista iyo inay Soomaaliya iska kaashadaan arrimaha la xidhiidha ammaanka, ganacsiga iyo tacliinta.” Sidaas ayuu yidhi ergayga Qaramada Midoobay.

Dad kale oo badan oo reer Somaliland ah ayaa iyaguna hore u soo dhaweeyay qodobkaas ku saabsanaa sii daynta iyo isdhaafsiga maxaabiista, iyagoo aaminsan in nabad waarta oo dhex marta Somaliland iyo Puntland ay kor u qaadayso dhaqdhaqaaqa dhaqaale iyo ganacsi ee Somaliland.

Geeska Afrika