Maxaa Faa’iido Ku Jirta Mashruuca “Berbera Corridor”?

Faa’iidooyinka mashruucani waxa ka mid:

Hargeysa(Hayaannews): Agaasimaha Xafiiska Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamed Cali Bile ayaa waxa uu soo bandhigay faa’iidooyinka mashruuca jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale “Berabera Corridor”

Sidaa waxa uu ku sheegay qoraal ka kooban lix qodob oo uu bartiisa facebook-ga uu ku shaaciyay, waxaanu u dhignaa sidan:

“1. Shaqaale badan iyo shirkado wadani ah ayaa shaqo ka helaya oo dakhli ka soo gelayaa.

2. Dhulka ay waddadaasi mareyso waxa ka furmi doona ganacsi iyo meherado badan oo cusub, sida kaalmo shidaal, makhaayado, iyo hudheelo.

3. Magaalada oo kala nafista oo gaadiidka galbeed iyo bari u kala socda ayaan magaalada Hargeysa dhexmarey.

4. Wakhtiga la safrayo oo aad u yaraan doona maadaama ay waddadani tahay “highway” baabuurtu xawaare weyn ku soconeyso.

5. Ganacsiga Somaliland iyo Itoobiya oo xoog oo ballaadhan doonaa iyo ganacsatada Somaliland oo fursad u heli doona suuqa Itoobiya.

5. Isusocodka Somaliland iyo Itoobiya oo fududaan doona.

6. Dalxiisayaal badan oo Itoobiya ka iman doonaa oo Badda Berbera u soo dalxiisi doona.

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland